Uncategorized

War Deg Deg Ah Qarax kale oo Goordhaw dhacay Agagaarka Hotelka SYL iyo Beerta Nabada iyo xaalka Muqdisho oo Caawa Kacsan

iftineducation.com – Qarax kale oo aad u xoogan ayaa goordhaw mar kale ka dhacay agagaarka Hotelka SYL iyo beerta Nabad ee magaalada Muqdisho, xaalada magaalada ayaana u muuqata caawa mid kacsan oo ay hareeyeen qaraxyo aad u xoogan iyo rasaas .




Goobjooge ku dhaw xalku qaraxu ka dhacay ayaa noo sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay goob ku daw Hotelka SYL oo ku dhagan Beerta nabada, dhawaqan qaraxan labaad ayaa isna ahaa mid aad u xoogan , lamana oga in uu yahay gaari iyo in uu qof is qarxiyay.


Rasaas ayaa sidoo kale ka dhaceysa halka ay qaraxyadu ka dhhacday, walina ma xaqiijin karno in gudaha ay galeen dabley hubeesan iyo in kale, ciidamo badan oo katirsan Nabad Sugida Qaranka iyo booliiska ayaa buux dhaafiyay halka ay qaraxyadu ka dhaceen


Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid aad u kacsan, waxaa aad u yar isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana magaalada aad looga hadal hayaa qaraxyada caawa lagu weeraray goobahan ku dhaw xarunta Madaxtooyada .





Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *