Uncategorized

WAR DEG DEG AH : Madaxweynaha Soomaliya Oo Saxiixay Heshiis Qaxootiga Soomalida Jarmal Ka Naxeen

iftineducation.com – Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan waxa uu soo gaaray Magaalada München ee Dalka Germany, halkaasi oo uu kaga qeyb galayay shir guud oo loogu hadlayay Arimaha Amaanka Caalamka.


Warbaahinta Somalinational.com, ayaa xog ku heshay in uu jiray kulan gaar ah oo  dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Germany  Karl Ernst Thomas de Maizière , kulankaasi dhex maray labada Mas’uul ayaa loogu hadlay waxa laga yeeli lahaa Arimaha qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan Dalka Germany.


Thomas de Maizière Wasiirka Arimaha Gudaha Germany , isla markaana ah ninka sida gaarka ah ugu xilsaaran arimaha Muhaajiriinta ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday in uu  kala shaqeyso ka hor Bisha 6aad ee sanadkan  sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee Germany ku sugan ee aan buuxin codsiga qaxootinimo dib loog u soo celin lahaa Dalkooda Hooyo, dhanka dowlada Germany  ay kor u qaadeyso  kaalmada ay siiso Dowlada Dhexe ee Soomaaliya..




Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay codsiga Dowlada Germany, isagoo sheegay in arintaasi uu si gaar ah ugu xilsaari doono  Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye,Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odawaa , Taliyaha Laanta Socdaalka Gen, Cabdulaahi Gaafow Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowlada Germany ayaa balan qaaday in dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ay ku bixin doontaa Malaayiin doolar, si dadkaasi loogu sameeyo dib u dejin, balse Lacagahaasi ayaa waxa ay si toos ah ugu dhici doonta Dowlada dhexe ee Soomaaliya.


Geesta kale waxaa isna jiray kulan kale oo looga hadlayay arimaha qaxootiga Soomaaliya kaasi oo dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda German Development Cooperation.


Madaxa hay’adda German Development Cooperation ee arrimaha Soomaaliya Ms Julia Kronberg, ayaa Shir la qaatay Madaxda Dawlada Federaalka Somaliya, waxaana ay ka wada hadleen mashruuc ah sidii loo fududeeyn lahaa qaxootiga doonaya in si iskood ah ay dalkoodi Soomaaliya ugu soo laabtaan.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *