Uncategorized

SHABAAB OO DADKA REER MARKA KU SOO ROGAY AMARO CUSUB –

iftineducation.com – Ururka Al Shabaab ayaa amaro cusub ku soo rogay Bulshada ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii shalay Magaaladaasi Shabaab ay la wareegeen.


Guddoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo meel fagaare ah kala hadlaayay Bulshada ku nool Magaaladaasi, ayaa u sheegay in hada kadib ay dhamaatay dhaqamadii Magaalada ka jiray.


Waxa uu sheegay inaan la dhageysan karin heesaha, sidoo kalena ay dhamaadeen Dagaaladii qabiilka iyo Isbaarooyinkii la dhigan jiray.


“Allaahu Akbar Allaahu Akbar sedax sano kadib Magaaladiina Marka waxay ka xurowday ciidankii saliibiyiinta..maanta laga bilaabao xaaladu caadi ayay kusoo laabanaysaa Dagaal Qabiil Waa Dhammaaday Muusik Waa Dhammaaday Nolol Cusub ayaa u Bilaabatay Reer Marko.”ayuu yiri Abuu Cabdalla.


Dadka reer Marka ayaa saaka u bilaabatay Isbedelka cusub, waxaana la arkaayay haweenka oo durba bilaabay inay soo xirtaan Dharkii horay ay u gashan jireen ee Xijaabka iyo goonooyinka.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *