Uncategorized

SAWIRO: Mas’uul DF katirsanaa oo qaab naxdin leh Muqdisho ugu dhintay..(Magaciisa)

iftineducation.com – Wararka soo gaaraya Shabakada iftineducation.com Xafiska Muqdisho ayaa sheegaya in uu maanta muqdisho ku Geeriyooday Mas’uul ka tirsanaa wasaarada Maaliyada Soomaaliya kaasoo ku dhintay Shil Gaari kaasoo ka dhacay Laamiga hormara xeradii hore ee Ciidanka Cirka Afesiyooni ee magaalada Muqdisho.





Mas’uulka shilka ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Yuusuf, waxa uuna katirsanaa Wasaarada Maaliyada Qeybta Kastamka Dekeda Weyn ee Maagalada Muqdisho, shilka ayaa yimid kadib markii gaarigii uu ka baxay jidkii uu ku socday kuna dhacay mid kamid ah Baalayaasha Cadceeda ku shqeeya ee laamiga ku dhax yaala.





Gaariga ayaa si xun ugu dhacay Baalaha laamiga ku yaalay kaa oo sababay in uu gaariga kusoo laabmo baalaha, waxaana gaariga laga soo dhax saaray sargaalka Wasaarada Maaliyada ka shaqeenayay isaga oo isla goobta ku geeriyooday.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *