Uncategorized

Nin Mayd ah Oo ka soo dhacay diyaaradii DAALO Ee maanta la Qarxiyay Daawo

iftineducation.com – Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed Axmed{Saneey} ayaa sheegay in Ninka Meydkiisa ay ka heleen Dhul miyi ah oo u dhaw Degmada Balcad,waxaana uu intaa ku daray hadalkiisa in Dadka Degaanka ay u sheegeen in Ninka uu ka soo dhacay Diyaarad oo ay arkeen Diyaarad uu Dabka baxayo taas oo ku socotay Dhanka Magaalada Muqdisho.







Sidoo kale Guddoomiye Saneey ayaa Tilmaamay in Meydka Ninka ay hayaan uu yahay Nin Oday ah islamarkaana uu Jirkiisu googo’an yahay kuna wareejiyeen Hay’addaha Ammaanka Soomaaliya.


Ilaa hadda lama oga waxa ay tahay Diyaaradda uu ka soo dhacay Ninka Meydka ah ee Maamulka Degmada Balcad ay sheegeen in ay hayaan,iyadoo Maanta Diyaarad ay leedahay Shirkadda Duulimaadka Daallo Arline uu dabqabsaday Xilli ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde kadibna iyada oo gubaneysa ay ku soo degetay.


Halkaan Riix oo daawo




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *