Uncategorized

Markaa naxdid maxaad dareentaa Jirkaaga ma qiimeysay -Qormo cafimad

iftineducation.com – Maxaa iska badalaya jirkaaga hadii aad isku naxdid ama aad baqdid?
>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>
Hadii aad dareentid cabsi, jirkaaga waxaa iska badalaya ilbiriqsi gudihiisa wax eysan awoodin dowladaha aduunka ugu xooga badan in ey ku sameeyaan maalmo. Wiligaa adigoo marayo meel cidla ah, dhulkuna mugdi saa’id ah yahay, meel luuq ah eey weeyn oo madow makaaga soo booday? Ilbiriqsigaas maxaa jirkaaga iska badalaya?
_________________________________________
• Maskaxdu waxey ilbiriqsi gudihiis ku shaqa galineysaa labo nidaam oo mid la xariiro nervaha, halka kan kale uu la xiriiro hab-ushaqeynta qaar kamid ah hormoonada jirka, labadaas nidaam oo kala ah “sympathetic nervous system”, iyo “adrenal-cortical system”, labadooduna waxey jirka galinayaan heegan buuxa, (ama carar ama cadawga iska celi)
a) Hypothalamus oo kamid ah maskaxda waxey soo deyneysaa hormonka CRF oo amar kusiinaya qanjirka pituitary gland oo isla maskaxda ku yaala in uu soo daayo hormone kale oo loo yaqaano ACTH, hormonkan ayaa islamarkiiba ka shaqa galaya qeyb kamid ah qanjirka adrenal (adrenal cortex) oo ku yaalla kilyaha dushooda, Adrenal gland ayaa dhiiga kusoo shubaya in kabadan 30 hormone oo dabagadinaya guud ahaan shaqooyinka jirka.
b) Adrenal gland qeybtiisa kale (adrenal medulla) waxaa sidoo kale amar lagu siinayaa in uu soo daayo hormonada epinephrine iyo norepinephrine, shaqooyinka ey jirka ka badalayaan waxaa kamid ah:
1. Garaaca wadnaha oo bata islamarkaane xoogeysta si uu jirka u helo dhiig kaafi ah maadaama uu galayo xaalad culus
2. Sanbabuhu waxey bilaabayaan in ey balaartaan si ey usoo xareeyaan hawo (oxygen) badan maadaama jirku uu gali rabo orod ama daagaal
3. Xididada kore ee jirka waa ey yaraanayaan taasoo qofka ka yareyneysa in uu saa’id u dhiig-boxo hadii uu dhaawacmo, waana sababta uu qofku u jareynayo.
4. Murqaha jirka waa ey iskusoo ururayaan si ey ugu xoogeestaan orodka ama iska hor-imaadka
5. Indhaha waa ey kala baxayaan si uu aragoodu joogto ugu ahaado
6. Waxaa la joojinayaa dhamaan shaqooyinka aanan loo baahneyn sida dheef-shiidka, wixi dhiig ku bixi lahaane waxaa loo wareejinayaa murqaha si ey ugu kaashadaan la mucaamilida xaaladan.
7. Beerku wuxuu bilaabayaa in uu sameeyo sokor dheeraad ah, wixi horay ugu jirana wuxuu kusoo shubayaa dhiiga si uu jirka u helo awood ku filan
8. Maskaxdu waxey joojineysaa gabi ahaan wixi ey ku fikireysay, ayadoo xooga saareysa kaliyah sidi looga baxsan lahaa baxarkan.
9. Murqaha ku hoos yaalla timaha jirka inta badan ma iskusoo ururan, laakin marki ey baqdin jirto oo ey arkaan hormonada epinephrine iyo norepinephrine waa ey iskusoo ururayaan, waana sababta ey u istaageyso xaada qofka baqaya.
10. Marka baqdintu ey gaarto meel sare, mar kasta dhiigu wuxuu usoo wareegayaa murqaha, aritaa hadii ey sii xoogeysato waxaa yaraanaya dhiiga ey heleyso maskaxda, waana sababta uu u suuxayo qofka ey ka tan badiso cabsidu.


Isbadaladaas iyo kuwa kalaba hadii eysan jirkaaga ku dhici laheyn ma aadan biqi laheyn, hadii aadan biqi laheyne ma aadan badbaadi laheyn, shaqadaas ilbiriqsi jirku ku qabanayo hadii loo diri lahaa dowlad waxey ku qaadan laheyd wado dheer oo kun meel in lasoo maro u baahan, balse jirku hal ilbiriqsi ayuu ku sameynayaa. Subxaanallaah.


وَفِي أَنْفُسِكُمْ أَفَلا تُبْصِرُونَ


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *