Uncategorized

Libaaxyo ka baxsaday xero lagu xannaaneeyo oo cabsi qalqal geliyay Nairobi: Video

iftineducation.com Booliska magaalada Nairobi ayaa weli ku raad joogo labo libaax oo ka baxsaday xerada lagu xannaaneeyo ee National Park, waxaana dadka ka ag dhow xeradaasi ee magaalada Nairobi lagu amray in ay muujiyaan feejignaan isla markaana ku ekaadaan guryahooda inta laga helayo libaaxyadaasi dad cunka ah.


Booliska ayaa wada howlgal ay ku baadi goobayaan libaaxyadaasi oo loo maleynayo in ay gudaha Nairobi ku sugan yihiin.


Libaaxyadaan ayaa ah Lamaane si dirqi ah ugu baxsaday xerada lagu xannaaneeyo ee National Park ee magaalada Nairobi, waxaana cabsi soo wajahday dadka ka ag dhow xeradaasi.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *