Uncategorized

Kenyatta Oo Xaaladdu Ay Xuntahay

iftineducation.com – Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta, ayaa cadaadin xoogan kala kulmaaya Xisbiyada mucaaradka dalkaasi kuwaasi oo Uhurru ku qasbaaya in Saxaafada Caalamka uu ka shaaciyo tirada Ciidamada Kenya looga laayay weerarkii lagu qaaday Saldhiga Kenya ee deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.


Xisbiyada Madaxweyne Uhurru ku cadaadinaaya sheegida tirada ciidamada laga laayay, ayaa ku andocoonaaya in Dowladaha caalamka ay ka siman yihiin bandhiga ciidamada laga laayo xiliyada ay ku jiraan dagaalka.


Senator Moses Wetang’ula oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, xubina ka ah Aqalka Senedka ee Baarlamaanka dalkaasi ayaa Uhurru Kenyatta ku tilmaamay mid aan saaxiib u aheyn Horumarka iyo in Dalka Kenya uu qeyb ka ahaado dalalka Africa kuwooda ugu nabdoon.


Kenyan President Uhuru Kenyatta attends an inter-faith prayers ceremony held for the victims of the Westgate shopping mall terrorist attack in Nairobi, Kenya, 01 October 2013. Kenyatta vowed that the military will continue its operations in Somalia.  EPA/DAI KUROKAWA


Moses Wetang’ula ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay Dowladda shaaciso tirada rasmiga ee Ciiddanka Kenya looga dilay weerarkii Ceelcadde, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Xisbiyadu aysan ka aamusi doono xaqiiq u helida tirada ciidan ee Kenya laga laayay.


Mr Moses Wetang’ula waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in mas’uuliyada ciidamada la laayay uu dusha saaran doono Madaxweyne Kenyatta oo uu ku tilmaamay Madaxweyne aan sal iyo baar ku laheyn Siyaasada Africa.


Nuqul kamid ah hadalka Senator Moses Wetang’ula ayaa ahaa “Waa wax aad u xanuun badan in Ciiddanka Kenya la dilay, xilli uu Madaxweynuhu u joogay Mombasa Ololahiisa Siyaasadda.”


Haddalka Moses Wetang’ula, ayaa imaanaya xili maleeshiyada Al-shabaab ay sheegatay in weerarkaasi ay ku dileen 100 Askari oo Kenyaan ah.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *