Uncategorized

Kenya: Xabsi gaar ah ayaan u dhiseynaa xagjiriinta keliya

iftineducation.com Dowladda Kenya ayaa sheegtey in ay dhawaan samayneyso xabsi gaar u ah dadka ku eedaysan xagjirnimada ee sameeya rabshadaha. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqey arintan ayaa sheegaya in Xagjiriintu ay saameyn ku yeeshaan maxaabiista kale sidaas darteedna loo go’doominayo, si aysan u sumeyn maxaabiista kale.


Uhuru Kenyatta oo khudbad u jeedinayey ardey bartey ilaalinta xabsiyada ayaa sheegay in ay muhimad siinayaan qorshahan inkasta oo aanu si rasmi ah u sheegin xilliga uu bilaabanayo qorshahan.


Kenya oo farogelin ciidan ku samaysey Soomaaliya ka hor inta aan loo oggolaan in ay ka mid noqdaan hawlgalka AMISOM, waxaana Kenya ka mid noqotey mid ay ka dhacaan weerarada ugu xun ee al-Shabaab geystaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *