Uncategorized

JACAYLKII RAJO BEELAY IYO RIYADII KA HOREYSAY..Qaybta Labaad

iftineducation.com – Qaybtii koowaad waxay inoo joogtay Nuux oo dhegaysanaya hees somalia maadama uu aad u xiiseeyo maadaama uu dalka ka maqnaa mudo aad u dheer waxaana u baxaysay heestan uu ku luqeeyo Xasan Adan Samatar
Aynigeeda dumar iyo


Asageed ka mudaneey
Afara suxul ka rooneey
Edebtiyo xishood iyo
Asluub lagu hagoogyeey
Inantii wacynaydee
Illaahay sammeeyee………………….


Qaybta Labaad (22/12/06)



Nuux oo aad in badan u fiirsanayay midhaha macaan iyo erayada sida farshaxanimada leh loo sameeyay ee hal-abuurku ugu faro yaraystay ayaa goor dambe ogaanaya in ay dhammaatay heestii, kursiga uu ku fadhiyo waxa ka soo horjeeda sawir gacmeed aad u qurux badan oo inta badan Nuux wuxuu sameeyaa sawirada gacmaha isaga oo aad ugu wanaagsan, intuu istaagay ayuu u bilaabay in uu qabyo tiro in ka dhiman sawirka waxaanuu qaatay burushkiisii yaraa iyo daasadii uu rinjigu ku jiray, Nuux ilaa hada ma jiro wax dareen ah oo galay marka laga tago qushuuca uu u qaaday gabadha yar ee aan qaan-gaadhka ahayn oo Rabbi hoodo iyo hibaba u siiyay qurux jidhkeeda meel la sheego oo iin-lihina aanay jirin, lagumana tilmaami karo erayo kooban iyo hadal qoraal ah wuxuunbaa sheegi kara qofka arka, anigana waxay igu tahay mid aanan ku dhammayn karayn hadalo kookooban oo aan ka sheego hase ahaatee waxay ahayd gabadh Rabbi ku galadday qurux, inbadan ayaa bulshadeena waxay raacaan guuga ama quruxda, haddiiba aanay eegin dhinaca dhaqaalaha, waxa dhacda in gabdho badan oo aad u asluub wanaagsan una ilwaad qurux badan, lana helayn cid u dhiganta lagu reebo ama iin looga dhigo reer ay ka soo jeedo hayntooda (dhaqaalahooda).



Rambilana waxay ku sifowday kuwa aan kor ku soo sheegnay, waxa dhacday sidaynu ognahay odaynga adeerka u ah ee qaba Habar-yarteed oo bukaan ahaa, waxa la soo dersay xaalad adag oo geyeysiisay, in la dhigo Cusbitaalka, tanina waxay ku noqotay mid kale oo kusoo korodhay oo iyaga oo markooda horeba iska liitay ayay dhibtanina usoo hooyatay. Ramla saddexda waqti iyada ayaa geysa Cusbitaalka, waanay lasii lugaysaa oo ma haystaan wax bas ay ku raacdo. Islaanta habar-yarta u ah oo Illaahay u dhaliyey firfircooni, waxay ka kacdaa eedaanka subax, si ay u diyaariso hawlaha aan hablaha yar yar qaban Karin, iyadoo ay sidaa tahay ayaa maalinti dambe goor duhur ah Ramli u timi Hibo, iyadoo markaa weydiisanaysa biyo, ka dib waxa dhexmaray sheekadan. Ramla walllaal beryahan kumaan arag, maxaa idinku soo kordhay. Waxaanay ugu jawaabtay.








Odaygii Aabbo miyaanad ogeyn in la dhigay Cusibtaalka in muddo ahba uu ahaa naf ka eeg, aniguna aan maalin walba quraacda, qadada iyo cashadaba aan u qaado, sidaa darteed wallaal miyaan cidba haleelaa. Ramla waqiga ay sido iyadu waxba afka ma saarto, waxan laga yaabaa inay soo noqoto salaada casar ka dib, inta u dhaxaysana aanay arag oomato. Dhibnaha iyo indhaha ayaad ka garataa sida baan ee Ramli u il gooday muddadan gaaban, waxay sidaa ahaataba oo maalinba maalin u dhiibtaba waxa la soo gaadhay maalintii Malagu ajasha ka gooynayey odaygii Habar-yarteed qabay.


Waqti waa goor maqrib ah mana jiro cid ehel ah oo ay u cararaan ama ula tagaan aaska Marxuumka. Waayo waxa uu ka soo jeeday deegaan aad uga durugsan magaalada Hargeysa, taasoo sababtay inay waayaan gaadhi u qaada maydka, siduubaanu ku meyd beryay. Maalintii dambe waxa aasay shaqaalaha caafimaadka iyo dhowr qof oo jaarka ah, iyagoo oo waxoogaa tacsi ahna loosoo ururiyay. Xaaladdaa marba marka ka dambeysa kasii darnaanaysaa waa mid ay ehel la noqdeen reerkan danyar ahi oo umaba arkaan, in dhibaato sidaas ahi haysato, waxaana la yidhi, Waa wareegto adduunoo waqtigaa hadba caynoo, nin wanaag ku casheeyay, wacanoo nabad seexdaa berri wish la tagaa. Mid wadeeco la jiifoo warbahaar ladi waayana, weynahaa ka baxsha.


Waxa hore loo yidhi ha faro gelin hawlaha Illaahay isagaa og addoomihiisa oo mid walba siduu u arsaaqayo yaqaana. Hibo muddada geeridani ku dhacday reerkani si aad ah ayey ula shaqaysay oo xataa Nuux laftigiisu, wuxu ka qeyb-qaatay qaadhaankii loo ururiyey carruurta agoonta ah, waxaanu ku balamiyey Hibo oo uu yidhi, Adaa u warhaya ee wixii ay u baahdaan ee aad heli karayso haka hakran.


Nuux maadaama oo uu yahay nin in badan debedaha ku maqnaa aad ayuu ugu damqanayaa dhibaatada iyo mashaakilka ku habsaday bahda ay jaarka yihiin, iyada oo ay sideedaba dadku kala gedisan yihiin oo midna wakhtigu uu u hiiliyo ku kalena ka hiisho, haddana dhacdadan aadka u adag ee ku xeeran reerkan ayaa ah mid aad u kakan oo u baahan in lagu eego il naxariiseed, waxay muddo sidii ahaadaan oo marka uu Nuux shaqada ka yimaado si hoos ahaan ah ugu xado isha Ramla yar balse aanay iyadu ilaa markaa aanay dareensanayn wax jira, waxa dhici jirtay in marmarka qaarkood uu Nuux u dhiibo Hibo lacag yar oo uu ku yidhaahdo maalamaha Jimcaha oo kale sii caruurta yar-yar, maalinba maalin ka sii adage waxa dhacday mushkiladii ugu adkayd ee soo marta maatada aan ehelka lahayn, waxay ahayd goor subax ah ilaa 9:30 aroornimo,
waxa wada socda koox bilays ah, qolo ka socota Dawlada Hoose iyo niman wata gawaadhi Lancruiser-o ah oo ah kuwa dhulka iibiya, waxay wataan oo kale cagaf-cagaf iyo Iskarogada Dawlada Hoose,


20-kii qoys ee u soo xigay xaga soke ayaa si dhib ah lagu raray, iyada oo markaa ay islaantii ku maqan tahay shaqada, waxa lagu wargeliyay guriga cagafta la galiyay iyo xamaanta la saaray Iskarogada dusheeda een la kala garanayn reer waliba intii uu lahaa, umay helin nasiib inay ka badbaadaan qoysaska la rarayo waxaanay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee seeftu la tagto, shaqo maalin qaadatay ayaa lagu banneeyay dhul aad u wayn oo loo qorsheeyay in la dejiyo oo laga iibiyo niman ganacsato ah, kuwii danyarta ahaana waxa lagu guray oo lagu soo daadiyay xaafada Sheikh Nuur oo wakhtigaa iyadu ahayd mid si teel-teel ah loo deggan yahay, dhibaatadan adduunkee ee reerkani dhaxalka u helay ayay aad ula dhaygagsan yihiin kuwa yar-yar ee wax-ma-garatada ahi, halka hooyadood ay mar walba leedahay Illaahbaa sida inoo roon, reerihii la keenay meeshu waxay soo gaadheen goor galin dambe ah cid wax dhisan kartaana way yaraayeen, qof walibana ama reer wal oo ka mid ah qoysaskaasina habeenkaa waxay degal fadhi u ahaayeen bannaanka aad aragtay ee dhaxanta aadka u qaboobi ka dhacdo.


Rajo xumada aad moodo inay raacdaynayso afartan qof oo marba marka ka dambaysa isa sii taraysa ayaa noqotay mid gaadhay heerkii ugu dambeeyay, laba maalmood kadib waxay waageerteen sandaqad dusha shiraaq ku leh meelo badana ka daldaloosha oo aan lahayn habayaraatee albaab, marka gabalku dhaco waxa xaafadaa yimaada Waraabayaasha magaalada, baqdinta iyo cida dhurwaaga ayaa u wehela hablaha yar-yar iyo hooyadood, reeraha kale waxay ku dhaamaan waxay haystaan cid u shaqaysa oo u qoda ama u qotomisa qodimada dhaadheer ee lagu dhisayo guryaha, kuwani se maaha kuwo helay. Nuux maalintii la raray reerka wuxuu yimid iyada oo lagu kala tagay goobta oo aan raq iyo ruux toona oolin, wuu yaabay waxa Illaahay u keenay fajac iyo amakaag cabaar ayuu taagnaa guriga hortiisa oo uu eegayay sida saacado yar gudahood wax waliba isu badeleen, intaa kadib albaabka ayuu garaacay waxaana ka furtay Hibo, suaashii ugu horaysay ee uu waydiiyay waxay ahayd


maxaa ka dhacay jaarkeena Hibo oo indhaheeda ay ilmo ku soo taagan tahay ayaa tidhi walaal waxaanan maqlin oo aanan arag ayaa ka dhacay goobtan, goor subaxdii ah ayaa nimankan aad arkaysaa si khasab ah ku rareen dadkii ducufada ahaa ee meesha deganaa mana garanayo ilaa hada meel la geeyay waxaanse maqlayay in la dejinayo meel bariga magaalada ah, maadaama ay halkan bilicdeedii hoos u dhigeen, arrintaas oo Nuuxoow aad arkayso sida axmaqnimada ah ee aan dan looga lahayn dadka liita hase ahaatee loogu shaqaynayo ninka jeebkiisu markaa buuxo, shucuurta Nuux mar kaliya ayay is bedeshay waxaana ka soo baxay hadalo ay ku dheehan tahay dareen cadho leh oo uu leeyahay waa khasaare mar haddii maatidii, agoontii iyo maxastii sidaa loo galayo, waxaa ii habboon inaan iskaga laabto halkii aan ka imid waayo dulmiga noocan oo kale ahi maaha mid la dhawrsan karo, Nuux geesta kale wuxuu amar ku siiyay Hibo inay ka daba tagto oo ay soo daydaydo halkay ku dambeeyeen saddexdii hablood iyo hooyadood, isaga oo wakhtigaa siiyay laba cisho oo fasax ah si ay war uga keento.


La socoQaybta Sedexaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *