Uncategorized

JACAYLKII QOTADA DHEERAA MA JABKAN AYAA U DAMBEEYAY…?

iftineducation.com – Waxaa magaalada Diri dhaba ka dhacday qiso aad u yaab lahayd taas oo ahayd qiso dhab u dhacday, qisadu waxay kala dhex martay laba qof oo run ahaantii markii hore is lahaa calaf ayaad isku yeelan doontaan balse markii dambe aan noqon siday doonayeen.


Axmed ayaa wuxuu ahaa wiilka jecel gabadha la yidhaahdo Hoden, Axmed iyo Hoden waxay degganaan jireen Magaalada Diri dhaba gaar ahaan xaafadda la yidhaahdo Xaafad Ciise.


Hoden iyo Axmed jacaylkoodu wuxuu ahaa mid gaadhsiisan meel aad u sarraysa, Axmed iyo Hoden waxay wada gali jireen hal xaafad, Hoden oo aad u qurux badnayd waxay soo jiidatay quruxdeedii dhammaan dhalin yartii magaalada, dhalinyartii magaalada ayaa isla markiiba isku dayay inay bartaan Hoden balse way usuurtoobi wayday waxaana ku guulaystay Axmed isaga ayaana noqday wiilkii u horeeyay ee Hoden jeclaada.


Muddo dheer ayay wada socdeen Hoden iyo Axmed, Axmed ayaa maalin u kici tamay dhinca Addiis Ababa isagoo u tagay halkaa xaalad caafimaad intii uu halkaa joogay waa uu la soo xidhiidhi jiray wuxuuna had iyo jeer la soo hadli jiray Hoden, Hodenna waxay had iyo jeer heegan ku ahayd qolka uu yaalay teleefanku waxayna aad u xiisayn jirtay lahadalka wiil nasiib u yeeshay inuu la xidhiidho iyada waa Axmedee.


Axmed jacaylka uu u qabo Hoden muunan shaac bixin balse maalin ayaa waxaa ogaadey jacaylkaa ka dhaxeeya Axmed iyo Hoden Axmed Adeerkii oo ay Addiis isla joogeen, sababtuu ku ogaadeyna waxay ahayd Axmed ayaa la arkay maalin isagoo Kombuyuutarka ku qoraya magaca Hoden oo aad ugu sharaxay Kombuyuutarka kaddib buu adeerkii waydiiyay magacan gabadha iska leh wuxuuna u sheegay Axmed in gabadhani tahay gabadh uu aad u jecel yahay kuna nool magaalada Diri dhaba.


Axmed markii uu Addiis ka imanayay wuxuu Hoden usoo iibiyay Hadyado qaali ahaa oo isugu jiray dhammaan waxyaabahay ka hesho gabadh la jecel yahay sida Hoden.


Axmed ayaa Hoden u sheegay in jacaylkoodii soo shaac baxayo wuxuuna u sheegay qofkiii ugu horreeyay ee ogaada jacaylkan inuu yahay Axmed Adeerkii, balse Hoden taas kumaynan taageerin oo khalad ayay u aragtay, si kastaba ha ahaatee jacaylka Axmed iyo Hoden maalmo yar ayuu ku faafay magaalada Diri dhaba.


Wax yaabihii muhimka ahaa ee ay isla mareen Hoden iyo Axmed hadaynu soo koobno waxaa ka mid ahaa:- inay Habeenkii intiisa badan ay isku meel ku cawaysimi jireen, mararka qaarna afka ayaa wax lagu kala goosan jiray intaa waxaa dheeraa in markii mid xanuusado ka kale la joogi jiray oo waalidkii ugu jman jiray isagoo la jooga, wax yaabihii ay Axmed iyo Hoden isla mareen kaliya wuxuu ahaa wax ay isla maraan laba qof oo aad isku jecel.


Axmed iyo Hoden waxay muddo xaafad wada galaanba waxaa lagaadhay wakhtigii ay Hoden iyo reerkoodu u guuri lahaayeen  Jigjiga balse taas waxay Axmed ku noqotay argagax iyo qaadan waa, wuxuuna Axmed ku adkaystay in uu Jigjiga kaga daba tago wakhtiga ugu dhaw, maalintii ay guuri lahaayeen habeennimadeedii ayay Axmed iyo Hoden kulmeen waxayna isku af garteen in Axmed kaga daba yimaaddo Jigjiga, habeen kaasna Axmed waxay u ahayd habeen modow oo naxdin leh, subaxdii ayay guureen Hoden iyo reerkoodii waxaana sii raacay ilaa xeradii basaska Axmed ood moodid inuu la socdo Janaa iso naxdinta ka muuqata awgeed balse taas waxaa uga sii naxdin darnayd markii uu ku soo noqday gurigii oo cidla ah ma joogto Hoden raadkeediina ma muuqdo gurigii waa cidlo, Axmed ma iman jirin xaafadda muddo dheer maxaa yeelay waxaa ka maqan gabadh uu had iyo jeer arki jiray, had iyo jeer codkeeda macaan maqli jirin.





Bilo kaddib ayuu Axmed tagay Jigjiga wuxuuna markiiba raadiyay Hoden halka ay deggan tahay imbadan markii uu daydayay ayuu helay xaafadii Hoden laakiin muusan arkin Hoden wakhtigaa waxaa xaafadda joogtay Hoden walaasheed oo ahayd gabadhii xaafadda lahayd markii uu waydiiyayna waxay u sheegtay in Hoden ay ku maqan tahay Aroos ka dhacaya magaalada Dhagax buur, Axmed markii warkaa aan fiicnayn loo sheegay markiiba Jigjiga waa uu ka yimid wuxuuna ku soo noqday Diri dhaba isagoo dantii uu u tagay Jigjiga aan ku soo guulaysan.


Muddo dheer kadib ayuu haddana Axmed isku dayay in uu ikicitimo dhinacaas iyo magaalada Dhagax buur balse umaynan suurta galin wuxuuna ku samray in mar un ay Hoden ku soo noqon doonto Diri dhaba.





Saddex bilood kadib ayay Hoden timid magaalada Jigjiga reerkooduna waxay degganaayeen xaafadda 06, Axmed wuxuu maqlay imaatinka Hoden wuxuuna markiiba yimid magaalada Jigjiga isagoo markan go’aansaday in uu aad u daydayo soona helo maadaama ay xaafaddii hore ka guureen oy xaafad cusub dageen, Axmed markii uu Jigjiga yimidba waxay is raaceen wiil ay saaxiibo yihiin Axmed oo la odhan jiray Daahir, Axmed iyo Daahir way is raaceen waxayna raaceen taaksi ay khaas u kiraysteen waxayna daydayeen Hoden meesha ay ka deggan tahay Jigjiga raadintiina waxay ku qaadatay wakhti dhan 5 saacadood, kaddib ayay si farxad leh u heleen xaafadii Hoden, waxay arkeen Hoden oo dhar maydhaysa xaafadda horteeda, Axmed ayaa hor arkay balse waxaa la hadlay Daahir oo u dhawaaqay isagoo leh “ Hodaney…” codkii ayay maqashay wajigoodase maysan arkin way kacday waxayna markiiba isha ku aragtay Axmed waa wiilkii waa naftii ay is jeclaayeen! Way soo dhawaysay sidii loo soo dhawayn lahaa qof la jecel yahay ayna jeceshay gabadh sida Hoden oo kale ah, sheeko dheer ayaa dhex martay oo ay ka mid ahayd in la iska waraystay muddadii lakala maqnaa waxyaabihii ay la kulmeen





Markii xogaa la is waraystayba waa laka kacay waxaana lagu ballamay  in maalmaha soo socda la is arko.


Intaa kaddib Axmed waxaa uu ku noqday Diri dhaba wuxuuna halkaa joogay muddo aad u dheerayd.


Kaddib wuxuu maqlay in Hoden ku soo noqonayso Diri dhaba aad ayuuna ugu farxay taas, maalin isagoo suuqa socda ayuu arkay Hoden Hooyadeed way isa salaameen waxayna u sheegtay in Hoden timid Magaalada ayna joogto xaafadda Habar-yarteed isla markiiba waa uu raadiyay xaafaddii wuuna helay balse muusan arkin Hoden oo waxay ku maqnayd suuqa cabbaar ayuu sugay markii ay raagtay ayuu iska tagay wuxuuna ku noqday xaafadoodii, markii uu xaafadoodii tagay ayay hooyadii u sheegtay in gabadhii uu jeclaa u timid cabbaarna sugaysay imikana tagtay, waa yaabee midba ka kale ayuu ku sugaayay xaafadooda waa sida lagu yaqaanno jacaylka dhabta ah.





Maalin dambe ayuu tagay xaafadii ay Hoden degganayd wuxuuna arkay Hoden hooyadeed wuxuu waydiiyay Hoden meesha ay jirto waxayna u sheegtay in 10 daqiiqo kaddib soo noqonayso waxayna u sheegtay in uu sii sugo inta ay ka imanayso, wuxuu cabbaar sugaba Hoden ayaa timid iyadoo faraxsan oo dhoolla caddaynaysa maxaad ku taqaannaa gabadh aragtay wiil ay jeclayd markii ay aragto waa inay farxad dareentaa.


Markii la is arkay ayaa la isa salaamay waana lawada fadhiistay wax yar markii lawada sheekaysanayay wakhtiga oo cidhiidhi ahaa awgii ayaa la ballamay in la is arko maalinta Axadda ah sidii ayaana lagu kala tagay, imika dhibaato malaha maxaa yeelay magaalo ayaa lawada deggan yahay oo waa la is arki karaa wakhtigii la doono.





Balse iyadoon ballantaas la gaadhin ayaa waxaa soo dhawaatay wakhtigii uu Axmed u wareegi lahaa Jigjiga halkaas oo shaqo rasmi ah ka billaabayo waxaana qasab ku noqotay in uu dib u yaraha dhigo tagitaanka Jigjiga oo marka hore is arkaan Hoden, Hoden markii ay maqashay in uu Axmed tagayo Jigjiga way naxday waxayna ku noqotay lama filaan iyo war laga naxo.


Axmed ayaa maalintii ballantu ahayd u tagay Hoden waxayna ku kulmeen Macmacaanle u dhawaa xaafadda Hoden, sheeko dheer ayaa la galay oo qaarkeed aan halkan lagu sheegi Karin.


Markale ayuu Axmed la hadlay Hoden, markan ismaynan arkin laakiin teleefan ayaa lagu wada hadlay, Hoden waxay la soo hadal qaaday guur iyo waxyaabo lamid ah laakiin isagu waa Axmedee waa uu ka gaabsaday, wuxuuna u arkayay Hoden wali gabadh yar oo guurka waxba ka aqoonin, waxan ay sheegaysana waa guurka ee inay ka tahay ciyaar iyo kaftan, markale waxaa Axmed teleefan kula hadlay Hoden Eedadeed oo iyadana la soo hadal qaaday inuu Hoden mustaqbalka guursanayo iyo in kale laakiin markasta waxaa uu lahaa Axmed Hoden wali way yartahay, si kastaba ha ahaatee Axmed markii uu Diri dhaba ka yimid jigjigana uu joogo 3 bilood ayaa la guursaday Hoden, waxaa la dhacay gabadh uu jeclaa nafta u saari jiray waxaana guursaday nin baadiye ka yimid oo ilma abti isku ahaayeen.


Axmed jab kaa ayaa u dambeeyay wuxuuna waagii dambe ku noolaa magaalada jigjiga, Axmed wuxuu guursaday gabadh kale oo wanaagsan una eg gabadhii laga guursaday wuxuuna deggan yahay xaafad ka mid ah magaalada Jigjiga





Sheekaddii naxdinta lahaydna halkaa ayay ku dhammaatay


MAHADSANIDIIN DHAMAAN ASXAABTA KU XIDHAN WEBSITEKAN


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *