Uncategorized

Fanaanada caanka ah Fartuun Cumar oo shaacisay inay isaga baxday Fanka

iftineducation.com – Fannaanada Fartuun Cumar Cabdi oo ka mid ah Fannaaniinta Somaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Qaaradda America, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay isaga hartay gebi ahaanba Fanka.


Fartuun Cumar Cabdi oo ka mid ah Fannaaniinta tobankii sano ee ugu dambeysay soo shaac-baxday, ayaa muuqaal ay soo dhigtay barraha bulshada waxay ku shaacisay inay joojisay heesaha.


Fartuun Cumar, ayaa tiri “Asc wr wb, waxaan halkaan ka salaamayaa ummada Somaliyeed meel kasta oo aad adduunka ka joogtaan, waxaan rabaa maanta inaan idinla wadaago go’aan aan qaatay, oo ah inaan fanka gebi ahaantiisba isaga haray, Al Xamdulillaah.”


“Anigoo Ilaahay (SWT u towbad keenay iyo anigoo qoys noqday, sidaa darteed waxaan idinkana idinka codsanayaa walaalahayga sharafta leh inaad ducada igu kabtiin. Ma khaldama waa Ilaahay. Ilaahay (SWT) wuxuu ugu jecelyahay dadkiisa u soo laabtay, dhalinyaro xoog leh, oo u towbad keenay.”


“Walaalayaalow in Ilaahay ii dembi dhaafo wixii aan horey u soo sameeyay, anagoo dhanna uu noo dembi dhaafo ducada igu kaba. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, Asc wr wb.”


RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA AY CADEYSAY








Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *