Uncategorized

DUULIMAADYADII DAALLO IYO JUBBA EE MAGAALADA MUQDISHO OO LA HAKIYAY

iftineducation.comHay’adaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, ayaa waxay hakiyeen dulimaadyadii ee Magaalada Muqdisho ku imaan jireen diyaaradaha Daallo iyo Jubba Airlines.


Tani waxay ka dambeysay markii Talaadadii uu wax u eg qarax laga dhex maqlay diyaaradda Daallo, xilli ay 74 qof oo rakaab ah, ay ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, ayna ku sii jeeday dalka Jabuuti, balse ay dib ugu soo laabtay Garoonkaasi Aadan Cadde, xilli ay 20 daqiiqo uun ka maqneyd.


Agaasimaha Guud ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin (Colaad), ayaa wuxuu galabta xaqiijiyay in si ku meel gaar ihi loo joojiyay duulimaadyadii ay ku taggi jireen Magaalada Muqdisho.


Agaasimaha, ayaa sababta ku sheegay iyadoo ay socdaan baaritaano ballaaran, oo lagu ogaanaayo waxa dhabta ihi ee dhaliyay qaraxii xooganaa ee diyaaradoodu laga dhex maqlay.


Tallaabada lagu joojiyay duulimaadyadii Jubba ay ku taggi jirtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa iyana lagu sheegay, iyadoo ay horey u midoobeen labadaasi shirkadood.


Khuburo caalami ah, ayaa Dowladda Somaliya ka caawinaaya baaritaanada socda ee lagu xaqiijinaayo waxa keenay qaraxaasi.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *