Uncategorized

Duqa London: Britain waa in ay ka baxdaa EU

iftineducation.com – Duqa magaalada London Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay inuu u ololayn doono in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

Go’aanka Mr Johnson, oo ah siyaasi caan ah oo saamayn leh, ayaa dharbaaxo ku ah ra’iisul wasaare David Cameron oo weydiistay xubnaha xisbigiisa muxaafidka in ay taageeraan in dalku uu midowga xubin ka sii ahaado marka la qaado aftida bisha Juun.


Isagoo wariyeyaasha la hadlayey ayuu Mr Johnson sheegay in midowga Yurub uu si tartiib ah meesha uga saarayo madax bannaanida Britain ee dhinacyada shaqaalaynta iyo koontroolka xuduudaha.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *