Uncategorized

Dowladda Federaalka oo xanibaad ku soo rogtey duulimaadyada Hargeysa – Muqdisho Iyadoo ugu Hanjabtay inay Cuna qabtayna Saari Doonto

iftineducation.com – Warqadda ka soo baxdey xafiiska Gen. Gaafow ayaa amar lagu siinayaa shirkadaha Duulimaadyadu in ay muddo 21 cisho ah gudahood ku jojiyaan dhamaan duulimaadyadaas, taas oo ka bilameysa 22.02.2016

Sababta go’aankan ayaa daba socota go’aamo ka soo baxay Somaliland, kaas oo la xiriira in dadka lagu khasbaayo in ay goostaan warqad la yiraahdo Go Home, lacag dheeraad ahna laga qaadayo, sida lagu sheegay amarka ka soo baxay Gaafow.

Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda gobolada Konfureed ee Soomaaliya ku amartey in ay qaataan Visa ama oggolaansho si ay ugu noolaadaan gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).


Gen. Gaafow ayaa sheegey in xanibaadu soconeyso tan iyo inta laga xalinaayo caqabadaha jira


Dhan ka kale xurgufta ka ka kacday hadalkii waran cade ee ahaa inuu neceb yahay passportiga somaliya ayaa keenay inay xaaladu xumaato taaso dawlada federalka somaliya ku hanjabtay cuna qabatayn ay saari doonto somaliland






Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *