Uncategorized

DEG DEG:Magaalada Marka oo Al-Shabaab laga saaray

iftineducation.com – Warar deg deg ah oo hada naga soo gaaray Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamad Dowlada & Kuwa AMISOM ay goordhow la wareegeen Magaalada Marka.


Warar qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidanka Xooga dalka  ay hogaaminayaan Saraakiisha kala ah C/Qaadir macali nuur oo ah taliyaha Zaadka ,Gen.Goobaale iyo Korneel Caanood.


Al-Shabaab ayaa isaga baxay magaaladaasi oo habeenkii 3aad xalay ku hoyday mudo sedax sano kadib iyadoona warar hoose ay shegayaan in miinooyin ay ku xireen Xarumaha Dowlada Hoose iyo Saldhiga.


Waxaa jira xiriro aan la sameyneeyno maamulka magaalada iyo saraakiisha ciidanka hogaamineysa balse weli nooma suura gelin in aan haleelno.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *