Uncategorized

David Obonyo: Waxaan dilnay Mahad Karataay

iftineducation.com – Afhayeen u hadlay ciidamada Difaaca Kenya, ayaa sheegay in Madaxii sirdoonka Al-shabaab Mahada Karataay lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Kenya la beegsadeen xerada Nadaris ee ku taala inta u dhaxeysa Buu’aale iyo Saakoow.


Mahad Karatey ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu abaabulay weerar dhimasho badnaa oo lagu qaaday saldhig ciidamada Kenya ay lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, kaasi oo askar badan lagu dilay.


Kenya waxa ay sheegtay in Karatey uu xerada u tagay geba gebada tababar loo dhameeyey 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo la doonayey inay weeraro kale oo argagixiso fuliyaan.


Dhinaca kale maleeshiyada Al-Shabaab ayaa beeniyey in Kenya ay dileen Mahad Karatey.


Website taageera Al-Shabaab ayaa lagu soo qoray in “Mahad Karatey uu bad qabo”, islamarkaana aysan jirin duqeyn ku dhacday goob Al-Shabaab ay joogaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *