Uncategorized

Daawo Sawirada” Horjooge katirsanaa Al-Shabaab oo maanta laga soo qabtay Hotel kuyaala Suuqa Bakaaraha

iftineducation.com – Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka oo maanta howlgal gaar ah ka fuliyay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa gacanta kusoo dhigay Horjooge katirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo la sheegay in uu degnaa Hotel kuyaala Suuqa.


Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa sheegtay in Hotelka Golden ee Suuqa Bakaaraha ay kasoo qabteen horjooge katirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo Hay’adu sheegtay in uu kamid ahaa xubno la baadi goobayay horeyna madaxiisa lacag loo dul dhigay.


Horjoogahan la sheegay in uu katirsanaa Al-Shabaab ayaan lasoo bandhigin sawirkiisa iyo magaciisa, waxa ayna Saraakiisha Nabad Sugida sheegeen in dhawaan lasoo bandhigi doono Sawirka iyo magaca Horjoogahan katirsan Al-Shabaab.


Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ayaa maalmahan xoojiyay howlagalada ay kawadaan magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada howlgaladan kusoo qab qabteen xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin dagaalyahandaa Al-Shabaab.