Uncategorized

CIIDAMADA AMISOM IYO KUWA DOWLADDA OO DIB ULA WAREEGAY MAGAALADA MARKA

iftineducation.com – Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Marka.


Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ayaa la sheegay inay labo jiho ka galeen Magaalada waa dhanka Shalaanbood iyo dhanka wadada Muqdisho ka timaado.


Dagaal kooban ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Magaalada Marka gudaheeda oo Shabaabka iyo ciidamada Huwanta dhexmaray, inkastoo Shabaab markii dambe ay isaga baxeen Magaalada.


Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa sheegay in hal Askari uu kaga geeriyooday dagaalka halka afar kale ay kaga dhaawacmeen.


Saraakiisha waxa kale oo ay sheegeen Shabaab inay ka dileen dhowr Askari  oo intii dagaalka uu socday ay ku geeriyoodeen.


Dadka Magaalada Marka ku nool, waxa ay sheegayaan Magaalada inay dhex socdaan ciidamada Millateriga Somaliya iyo kuwa Amisom.


Waxaa yar dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka Magaalada Marka.


Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisoow, ayaa sheegay inay ku sugan yihiin gudaha Magaalada Marka oo Shabaabkii ay ka saareen Magaalada.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *