Uncategorized

AL-Shabaab Oo Weeraro Halis Ah Damacsan Iyo Halka Ay Ku Wajahan Yihiin

iftineducation.com – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxda Al-shabaab ay damacsan tahay inay qaaddo weeraro halis ah kuwaasi oo qaab cusub loo soo diyaarinayo.


Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa lagu daabacay in Shabaab ay doonayaan inay weeraraan ciidamada AMISOM, inkastoo saldhigga ay ku socdaan aan la sheegin.



Waxay wakaaladdu sheegtay in Shabaab ay iska soo dhigayaan ciidamo AMISOM ah iyaga oo wata gaadiidkii AMISOM ee dagaalka uga qabsadeen, iyo dareeska ciidanka AMISOM.


Waxaa xusid mudan in dareeska AMISOM ay ku jiraan kuwa aan xabaddu karin, Koofiyado iyo agab kale oo dheereen kara dagaalka Al-shabaabka weerarkaan qaada.


Durba arrinkani walaac aad u xooggan ayuu soo geliyay saraakiisha AMISOM, waxaana jirta feejignaan aad iyo aad u xooggan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *