Uncategorized

AL SHABAAB OO MARKALE DIB ULA WAREEGTAY MAGAALADA MARKA, CIIDAMADA DOWLADDA IYO AMISOM AYAA DIB U GURASHO SAMEEYAY

Wararka caawa laga helaayo Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay si buuxdo ugu sugan yihiin Magaalada.


Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo duhurnimadii maanta dagaal kula wareegay gacan ku haynta Magaalada Marka, ayaa muddo kooban ka dib isaga baxay Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.


Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa caawa lagu arkayaa bartamaha Magaalada Marka iyo daafaheedaba, waxaana la arkayaa iyagoo lug ku gaaf wareegaaya Magaalada.


Magaalada Marka waxaa maanta ka jiray xaalad jahwareer badan leh, ka gadaal markii ay isku fara saareen Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya Amisom iyo maleeshiyada Al Shabaab oo gaar ah.


Ciidamada Dowladda iyo Amisom waxaa dagaalka ku wehlinaayay maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan, balse ay soo hubeeyeen Saraakiisha Dowladda iyo Amisom.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *