Uncategorized

Taariikhda Maxamed Siyaad Bare

iftineducation.com – Maxamed Siyaad Bare, Waxu kudhashey,
Degmada Shilaabo ee Soomali Galbeed (DDSI ) Sanadkii 1919. 
Hooyadii Waxaa la odhan jirey Shaqla Qabiil ahaana ka Soo jeedey Ogaden (Makaahil)


Hooyadii Waxay Geeriyotey AUN Isagoo Sideed jira Aabihiiba Waxu ka danbeeyey 2 Sano 
Aabihii Siyaad bare Waxu ahaana geesi halgamaa ah kama mid ahaa Ciidanadii uu hogaaminayey Cumar Sharmaake ee uu la Dagalamayey Gumaystihi Talyaniga Waxuuna ku Shihiidey dagaal ka mida dagaladii Talyaaniga lagu qaadey.


AUN Mahamed Siyaad Bare Wuxuu Ciidamada Dableyda ka mid noqdey Sanadki 1936 ee Xerada Tobobarka Baladweyne, 
Waxana loo soo badaley Muqdisho Xarada Cidamada ee Xamar jajab.


Balse Isla Sanadkaas dhaxdiisa waxa loo soo sheegey Geeridi labo Adeeradiis ah, 
Jamac Bare iyo Mahamed Bare Wuuna hakiyey tobobarkii oo geerida ayuu yimid.


Kadib Waxuu Guursadey Xaaskii ugu horeysey Faadumo Aw Muse 1941 Isagoo berbaar 22 jir ah


Isla Sanadkaas dhamaadkiisa ayuu dib ugu soo biirey Ciidamada Qaateyna ALIFLE ,
Alifkii Labaadna Waxuu qaadey 1944 
Kadib Waxaa Sanadki 1945 loo direy Dugsi Tobobarka oo ay lahaayeen Ciidamada Ingiriska oo ku yaala Nairobi lana odhan jirey (Gin School)


Waxuu Soo Lambley Sanadki 1950 Waxuuna Noqdey Kormeeraha koobaad


16 October 1954 ayuu qaatey Xidigtii Koobaad Noqdeyna Sarkaal 
1955 Xidigtii labaad,
1957 Ayuu Qaatey Kabtan ama Dhamme 
1958 Dhamme ka Tirsan Ciidanadka Booliska Soomaliyeed. Ayuu Noqdey


1960 Markii ay Gumaystihii Dalka ka baxeen Ciidankii Booliska ayaa isku badaley Ciidankii Xooga Dalka Soomaliyeed oo uu Hogaaminayey AUN
Janarakii Caanka ahaa Janaral Daa’uud Cabdilaahi Xirsi oo Geeriyodey Sanadkii 1965 kadibna Uu badaley Janaral Mahamed Siyaad Bare.


Afar Sano Kadib ayuu Jenaral Mahamed Siyaad Dalka ku qabsadey Xukun Mulatari oo aan dhiig ku daadan. 
Dadka qaarkis Waxay tilmaaman inuu afgambi mularali ahaa lakin xaqiqdu sidaas maaha ee waa Xukun Mulatari.
Waayo Xaalada Maalintaas taagneyd Waxay aheyd mid mudan go’aankaas uu qaatey Janaral ku badbaadada Dalka iyo dadkana ku jirtey. WAA 21 OCTOBER 1969


Xukunku Mulatari Waxu ubadaley mid Xisbi, awodii mulatarina aan ka madhneyn ee ahaa XISBIGII KACAANKA


Xisbigii Kacaanku oo uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Siyaad bare Waxay qabten wax badan.


Xagga Horumarka Wershadaha 
Xagga mashaaricda beeraha 
Xaaga Tayada Ciidanka, oo Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed ahaa Ciidanka ugu awooda balaadhan Bariga Africa iyo guud ahaan Africa.


Waxaa Xusid mudan oona la iloobi karin oon aniga qoraaga ah iyo adiga akhristaha ah dhaxal inooga tagey qorista Afka Hooyo ( Qorista Afka Soomaliga )1972


1974 Waxaa Dhacey ololihi ugu balaadhnaa abid ee ololihi Afka Somaliga ee reer miyi iyo magalaba 
Waxaa ka qeyb Qaatey 25 000 oo ardey iyo 3000 oo askari Natiijo dhaxal galana soo hooyey.


Waxuu Xukunka ka dagey 26/January /1991 
Xukunka Waxuu hayey 21 Sano


AUN Madaxwryne Mahamed Siyaad Bare Waxuu ku geeriyodey Dalka Neyjeeriya Magalada Laagoos 
Sanadki 26/Oktobar /1995


FG :Wax Qabakii Madaxweynaha iyo Dhaliilaha uu lahaayeen lasoco Qormada Labaad



Diyaariye Eng Dayib Sh Abdi Gangale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *