Uncategorized

SHABAAB OO SOO BANDHIGAY GOOBO AY DUQEEYEEN DIYAARADAHA KENYA(SAWIRRO)

iftineducation.comWarbaahinta ku hadasha Afka Ururka Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawiro ku aadan goobo ay duqeyn ku garaaceen Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Kenya oo tan iyo markii uu dhacay weerarkii Ceelcadde 15-kii Bishan Duqeymo kala duwan ku garaacayay Deegaano ka tirsan Gedo iyo Jubbooyinka.


Deegaano ku dhaw Degmada Bu’aalle ee Gobolka Jubadda Dhexe ayeey ku dhaceen Duqeymaha Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ku garaaceen halkaasi, waxaana ku naf waayay xoolo u badan Ari.


Shabaab oo tagay goobta Duqeynta ku dhacday ayaa halkaasi ka soo qaaday Sawiro muujinaya Duqeymaha Kenya ay halkaasi ku garaacday iyo Rasaasta loo adeegsaday Duqeynta.


Shabaabka ayaa sheegay Aargoosiga Dowladda Kenya inuu noqday in la laayo Xoolaha, kadib markii Duqeynta Gedo iyo mida Jubbooyinka ay ku dhinten xoolo badan.


Kenya ayaa sheegaysa Duqeymaha ay ka wado Gedo iyo Jubbooyinka in loogu aargudaayo weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo. 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *