Uncategorized

PROF. JAWAARI OO GAARAY MAGAALADA BAGHDAD EE XARUNTA WADANKA CIRAAQ (SAWIRRO)

iftineducation.com – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa gaaray Magaalada Baghdad ee Xarunta Ciraaq.


Guddoomiyaha Golaha, qyqq waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Baghdad, Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Dr. Salim Abdullah al-Jabouri, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ciraaq iyo Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi, Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi .


Magaalada Baghdad horey waxaa ugu sugnaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaanka Wadamada Iskaashiga Islaamka ee PUIC iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), iyadoo sidoo kalena ay hadda socdaan shirarkii guddiyada, kuwaasi oo lagu diyaarin doono ajandayaasha shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Wadamada Iskaashiga Islaamka.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa khudbad ka jeedin doona shirka PUIC, oo si rasmi ah Magaalada Baghdad kaga bilaaban maalinta Axada.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *