Uncategorized

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SI XOOGAN KAGA HORYIMID HESHIISKA LAGU GAARAY MAGAALADA MUQDISHO

iftineducation.com – Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo fiidnimadii caawa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga horyimid heshiiska ay taageertay Beesha Caalamka.


Madaxda Dowladda Somaliya iyo inta badan Maamul Goboleedyada, ayaa gaaray heshiis is afgarad ah, oo ah in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya lagu soo xulo 4.5, halka Aqalka Sare isna lagu soo xulo 18-ka Gobol amaba qaab Maamul Goboleed.


Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay inaanu Puntland khusayn heshiiskaasi, isagoo dhinaca kalana dhaliilay Beesha Caalamka, oo taageero u muujisay nidaamka 4.5.


Waxa uu ku celceliyay inaanay marnaba heshiiskaasi taageersanayn, isagoona heshiiska loo gudbiyay Beesha Caalamka ku macneeyay, mid aan loo dhammeen.


Madaxweynaha oo ka hadlaayay sababta ay ku diidan yihiin 4.5, ayaa tilmaamay in dadka reer Puntland ay taageereen in laga gudbo hanaankaasi, lana qaato midka deegaanka/degmada.


Madaxweyne Gaas, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay olole ugu jiray, sidii looga gudbi lahaa hanaanka awood qaybsiga beelaha, loona gudbi lahaa nidaamka heerka degmo.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *