Uncategorized

JUBBALAND OO SHAACISAY INAY TAAGEERSAN TAHAY HESHISKII LAGU GAARAY MAGAALADA MUQDISHO

iftineducation.com – Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu taageeray shirkii shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, ee looga hadlaayay hanaanka doorashada sanadkan ee lagu wado inay dalka ka qabsoomto.


Afhayeenka Maamulka Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax, ayaa wuxuu cadeeyay in Jubbaland ay ayidsan tahay shirkaasi, isagoo dhinaca kalana soo dhaweeyay qodobadii laga soo saaray.


“Maamulka Jubaland waxa uu soo dhowaynayaa war murtiyeedkii Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran (MWQ) ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.


Waxa kaloo uu yiri “Inkastoo aan weli wax la saxiixin oo wax badani dhiman yihin haddana Jubaland waxay qaadatay go’aanka inta badan ee ay ku jirto beesha caalamka.”


Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa taageeray heshiiska is afgaradka ah ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho, marka laga soo taggo Puntland oo ka hortimid.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *