Uncategorized

DEG DEG : Denmark Oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Ah In Qaxootiga Hantidooda La Dhaco

iftineducation.com – Hay’ada xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa si weyn u cambaareysay sharciga Uu Barlamaanka  Wadanka Denmark Ku Soo rogay dadka qaxootiga ee dalkaasi magan-galyada weydiista.


Sharciga cusub ayaa lagu sheegay mid cadaadis xoogleh saaraya qaxootiga isla markaana lagu boobayo hantidooda.


Qodobo kamid ah sharcigan cusub Ayaa Qeexaya in dadka qaxootiga ah ee dalkaasi taga laga qaado dhamaan Lacagta iyo hantida kale oo ay sitaan sida DAHABKA, iyadoo la sheegayo in hantidaasi dowlada Denmark ku maalgelin doonto adeega lasiiyo qofkaasi qaxootiga ah.


HALKAN KA AKHRISO DAILYMAIL OO QORAY


Sida ku qoran sharcigan cusub waxaa sidoo kale si weyn loo adkeeyaynayaa in qofka qaxootiga ah ee lagu qaabilo Denmark uu muddo ka badan 3 sano sugayo inuu u dacwoodo qoyskiisa ama eheladiisa wadamada kale jooga, si loogu keeno Denmark.


Tilaabadan ay dowlada Denmark ku xakameenayso xaquuqda dadka qaxootiga ah ayaa ah mid lagu doonayo in dadka qaxootiga ah lagu cabsi geliyo si aysan isaga dhiibin wadankaasi oo ay u aadaan dalalka kale ee Yurub.


Maaha markii ugu horeysay oo ay tilaabo noocaan ah qaado dowlada Denmark oo kamid ah dowladaha Yurub ee xiligan sida adag ulla dhaqma Qaxootiga.


Sanadkii lasoo dhaafay ayey dowlada Denmark bilowday inay jaraa’idka kasoo baxa dalalka Bariga Dhexe ay ku daabacdo Ogeysiis ku socda dadka doonaya inay qaxooti ahaan ku tagaan dalkaasi, ogeysiiskaasi oo lagu sheegayey in wadanka Denmark uusan dhaqaale u ahayn qaxootiga, isla markaana qofkii imaanaya uu ku talo galo inuusan heli doonin waxyaabo badan oo horey loo siin jiray qaxootiga.


Wadamada Midowga Yurub ayaa walaac weyn ka qaba qaxootiga badan ee ka imaanaya Afrika iyo Aasiya gaar ahaan dalka Siiriya oo sanadkii lasoo dhaafay in ka badan 1 milyan oo Siiriyaan ah ay soo galeen dalalka Midowga Yurub.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *