Uncategorized

Deg deg ah: Shirkii madasha ee maanta oo ku dhammaaday fashil iyo aflagaado dhex martay

iftineducation.com – Waxaa goor dhaw soo dhamaaday shirkii madasha oo aay ka qeyb galeen dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Federaalka ah, Shirka ayaa ku soo dhammaaday fashil iyadoo halkaa aay ka dhaceen sida Caasimada Online aay sheegeen qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay, af-lagaada iyo is qabqabsi u dhexeeyay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiwali Gaas.
Waxaa waddanka uu ugu jiraa afduub siyaasadeed Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiwali Gaas, oo haddii aanan wax laga qaban aay keeni doonto burbur aan laga soo kabsan oo ku yimaada qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyad aay Soomaali leedahay.
Beesha caalamka oo iyagu gooni u shirsanaa maanta ayaa waxa la sheegayaa in gorfeynayaan sidii wax laga yeeli lahaa. Waxaa la soo sheegayaa in Ururada Midowga Yurub iyo Africa aay wadaan qorshe ka dhan ah Xasan Sheekh Maxamuud oo la rabo in lagu cadaadiyo ama inuu is casilo ama in uu ka laabto musharaxnimadiisa 2016.
Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *