Uncategorized

CIIDANKII KENYA EE ISAGA BAXAY BADHAADHE IYO CEELCADDE OO XUDUUDA LAGU WEERARAY

iftineducation.com – Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa weeraray Ciidankii Kenya ee saakay isaga baxay Degmooyinka Badhaadhe iyo Ceelcadde ee Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.


Ciidankii Kenya ee isaga baxay Degmada Ceelcadde, ayaa waxaa loo galay oo lagu weeraray meel ku dhow deegaanka Likooni, oo ku dhow Xuduuda Somaliya iyo Kenya.


Ciidamadii kale ee saakay isaga baxay Degmada Badhaadhe, ayaa sidoo kale waxaa lagu weeraray Xuduuda, xilli Ciidamadaasi ay dib ugu laabanayeen dalka Kenya.


Ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaaya in weeraradaasi ay ku bilowdeen qaraxyo ay Shabaabku ku diyaariyeen hareeraha wadooyinka, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool leh.


Ciidamada Kenya oo gurmad xoogan ka helay dhinaca Xuduuda, ayaa waxaa ugu dambeen u suurtagashay in gelinkii dambe ee maanta, ay dib ugu laabtaan dalkooda.


Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa sheegay in gaadiid dagaal Ciidamada Kenya looga gubay labadaasi weerar.


Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda labadan weerar, ayaa waxay sidoo kale sheegteen inay ku dileen tiro ka mid ah Ciidamada Kenya, sidoo kalana ay gaadiid dagaal kaga gubeen.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *