Uncategorized

7 SARKAAL OO KENYAN AH OO LAGU DILAY LAMU, HALKA QAAR KALENA LA LA’YAHAY

iftineducation.com – 7 Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya ee ka howlgala Gobolka Xeebta ee dalkaasi, ayaa lagu dilay Qarax Miino oo ka dhacay Duleedka Degmada Lamu. 


Mid ka mid ah dadka degaanka oo diiday magaciisa ayaa Wargeyska The Star ee ka so baxa Kenya u sheegay in uu marka hore maqlay Qarax xooggan kadibna ay ku xigtay Rasaas la is weydaarsaday Xaafadda Hindi ee Xeebta u dhow ee hoostagta Lamu. 

Sarkaal kale oo ka tirsan Booliska Kenya magaciisana qariyay ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Saraakiisha la la’yahay la tuhunsan yahay in ay horay u wateen Xarakada Al-shabaab ee degaankaas ka dagaallanta,waxaana uu intaa ku daray in ay wadaan Howlgal lagu so furanayo. 

“Lix Sarkaal wey dhinteen seddex kalana dhaawac ayaa soo garay, qarax ayaana lala eegtay gaariga ay la socdeen,waxaa qaraxa la dhigay waddada Hindi oo Lamu ka tirsan.”Ayuu yiri Sarkaalka Booliska ka tirsan.

Ciidamada Kenya ayaa weerarkaan qaraxa lala beegsaday xilli ay ka soo noqdeen howlgal ay ka fuliyen Deegaanka Kiunga oo ka tirsan Gobolka Xeebta ayna u soo socdeen lamu.

Weerarada noocaan oo kale ah ee gaadmada ah ayaa ciidamada Kenya waxaa lagula eegtaa gudaha dalkaasi, waxaana ka dambeeya weeraradaasi Shabaabka fariisimada ku leh Keymaha Boni. 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *