Uncategorized

5-taan Qodob Ayay Haweenka Ka Raadinayaan Ninka ay Nolosha La Wadaagayaan

iftineducation.com – Haddii aad boodi goobeyso in aad ogaato waxa ay dumarka doonayaan ka dib guurka waxa niyuus.com  ku siineysaa dhowr arin oo ay muhiim tahay in aad wax ka ogaato.


Kalgaceyl : haween waliba waxa ay baadi goobaan nin u muujiya macnaha dhabta ah ee jaceylka kana qarin dareemihiisa Jaceyl ee uu u hayo .


Waa nin xittaa bulsahda dhexdeeda ku qarin sida uu ula tacajubsan yahay lamaantiisa , waxa ay haweenka ka helaan nin weydiiya waxa ay xiiseyneyso .


Kalsooni : haweeneyda waligeed xariir lama yeeelato nin aan awoodin muujinta ra`yigiisaa ama u dagaalami karin waxa uu doonayo balse waxa ay dooneysaa nin isku kalsoon oo garanaya waxa uu doonayo iyo sida uu uga gun gaari karo waxa uu tiigsanyo , ma jecla nin dad kale raaco oo koobiyeeya balse waxa ay ka heshaa nin ku qanacsan shaqsiyadiisa.


Daacadnimo : si waliba oo uu ninka u yahay mid guuleysta , caqli badan aadna u qurux badan haddii ay haweeneyda ku aragato qiyaano ama oofin la`aan dhanka balanta ah waa ay ka carartaa niyuus.com  waxa ay ku leedahay waxa ay haweeneyda dooneysaa nin ay ku dareento ammaan dhanka xariirka jaceylka ah .


Go`aan Iyo Xikmad : waxa ay haweeneyda raadisaa nin ay ku tiirsanaan karto gaar ahaan waqtiga dhibka jiro , waxa ay u baahan tahay nin leh xikmad fog isla markaana talaabadiisa fududahay kaasi oo ka caawin kara in wadadii saxda aheyd ay ku soo laabato.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *