Uncategorized

UK: Labo qof oo loo xukumay weerar lala damacsanaa London

iftineducation.com – Maxkamada magaalada London ayaa Salaasadii shalay lasoo hortaagay nin iyo xaaskiisa oo la sheegay inay qorsheenayeen weeraro argagaxiso oo lagu qaadi lahaa goobo ku yaal caasimada UK.


Mohammed Rehman oo ah 25 sano jir iyo xaaskiisa Sana Ahmed Khan oo ah 24 jir ayaa lagu soo eedeeyey inay gurigooda ku sameenayeen bambaanooyin ay doonayeen inay ku fuliyaan weeraro ismiidaamin ah sida ay sheegtay xeer illaalinta.


Ninkan lagu magacaabo Mohammed ayaa sidoo kale bartiisa twitterka ku shaaciyey inuu doonayo inuu weeraro bambaano geysto, waxaana la sheegay in labadan qof ay barta internetka ee EBAY ka gateen Kimikal laga sameyn karo bambaanooyinka.