Uncategorized

Putin oo baaq wadashaqeyn u diray Obama

iftineducation.com – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa khudbadiisa Sanadka Cusub baaq ugu diray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.


Putin ayaa sheegay in wadashaqeynta labada dal ay xal u keeni karto dhibaatooyin badan ee dunnida ka jira, isagoo sheegay in loo baahan yahay inay si wadajir ah isaga kaashadaan dhanka amniga.


Baaqa hogaamiyaha Ruushka ayaa u muuqda mid Maraykanka looga codsanayo inuu wax ka bedalo siyaasadiisa ku aadan Ruushka oo ay xiisadi ka dhex taagan tahay tan iyo intii dowlada Ruushka ay la wareegtay qeybo kamid ah wadanka Ukraine.


Dowlada Maraykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay hay’adaha dowliga ah ee Ruushka iyo shaqsiyaad kamid ah xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweyne Putin.


Labada wadan oo xiriirkooda gaaray heerkii ugu xumaa tan iyo dhamaadkii Dagaalkii-Qabowbaa ayaa sidoo kale isku khilaafsan xal u helida dagaalka ka socda wadanka Siiriya.