Uncategorized

Puntland oo maanta Maxkamadd saareysa Ajaanib

iftineducation.com – Maxkamad ku taalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa la rajeynayaa in la soo taago Labo Nin oo u dhashay wadanka Indonesia  islamarkaana Puntland ay ku Eedeeysay in ay yihiin Kaluumeysato Sharci daro ah.


Shalay ayaa lagu waday in Labadaan Muwaadin ee u dhashay Dalka Indonesia in Maxkamadda Garoowe la soo taago,balse ay dib u dhacday.


Labadaan Muwaadin ayaa ka mid ahaa Kaluumeysato Xeebaha Puntland lagu qabtay oo Puntland ay tilmaamtay in ay si Sharci daro ah Xeebaha Soomaaliya uga Kaluumeysanayeen.