Uncategorized

War Murtiyeed laga Soo Saara Kulankii Ra’iisul Wasaaraha iyo Axmed Madoobe (Sawirro)

iftineducation.com – Kulan ay maanta wadayeesheen Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed,


war murtiyeedkan ayaa waxaa uu ka koobnaa 7 qodob oo ay ugu muhiimsan tahay arinta ku aadan cabashada laga keenay Dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka keeneen.


Waxaa la isla gartay qodobkaasi in Dowladda ay soo magacawdo Guddi la fariista Maamulka KMG e Jubba iyo sidoo kale beelaha cabanaya, wixii tallo ahna ula soo noqda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si xal waaro looga gaaro arintaasi.


Wasiiru Dowlaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xasan ayaa Saxaafadda u aqriyay qodobada hesiiskan ka soo baxay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *