Uncategorized

Raysal Wasaare Cumar oo gaaray magaalada Kismaayo (Daawo)

iftineducation.com – Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa booqasho ku tegay magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubba, Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jubba, Wasiiro iyo shacabka Kismaayo.


Wafdiga Raysal wasaaraha waxaa ku waheliya xubno ka mid ah golaha hiisa wasiirada iyo xildhibaano, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Odawaa, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cabdulqaadir Baqdaadi, Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangeli iyo Wasiirka Boostada Guuleed Xuseen Qaasim.


Wafdiga Raysal wasaaraha ayaa loo gudbiyey xarunta Madaxtooyada oo ay shir ku dhexmarayo madaxda federaalka iyo madaxda maamulka Jubba lamana oga waxa ay kawada hadlayaan.


Safarka Raysalwasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dejin lahaa xiisadda ka dhalatey Mooshin Baarlamaanka Federaalku ka doodey oo ka dhan ah Baarlamaanka Jubaland, taas oo Madaxweyne Axmed Madoobe si weyn uga caroodeykuna goodiyey in ay qaadayaan tallaabo adag


Daawo Hadalada Soo dhaweynta.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *