Uncategorized

Ninka Iyo Xaaskiisa Taleefonka Maka Wada Raaxaysan Karaan ? Adiga Oo Aan Fududaan Jawaabo Diini Ah Halkan Ka Baro

iftineducation.com – Su’aal Dadka inta badan Jahawareer ku riday qaarkoodna ay iska xalaashadeen iyagoo dhahaya nin iyo naagtisa wixii dhex oo galmada hoos imaada qaabke doonta haku imaatee wax danbi ah maahan ilaa qeybta danbe maaahe , ayaan hadane jeclaysanay hadii aynu Nahay Bahda Shumis.net Waxaan idiin soo gudbinaynaa Jawaabaha laga qoray Ninka Iyo Xaaskiisa Taleefonka Maku Wada Raaxaysan Karaan ??


Sida sharciga islaamka ku soo aroortay ninka xaaskiisa wax kasta oo uu ku raaxaysan karo waa ku samayn karaa wixii daliil khaas ah ku soo arooray mooyee, 

Allaah wuxuu yiri { نساؤكم حرث لكم فأتوا حرثكم أنى شئتم } (Xaasaskiina waa beerihiina ugu taga beerihiina saad doontaan ) Alle wuxuu kaloo yiri :


وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَإِلَّا عَلَى أَزْوَاجِهِمْ أوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ


((mu’miniinta) waa kuwa ilaaliya farjigooda xaaskooda mooye iyo wixii gacantooda xanatay oo addoon ah,dadka doona arrinkaas wixii ka soo haray waa kuwa xadgudbay)


xaaska wax kasta raaxaysi ah waad ku samayn kartaa istiin sheeko galmo Alle ayaa kuu banneeyey,  waxaa isweydiin mudan ma bannaantahay ninka inuu xaaskiisa taleefan ugu raaxeeyo ? culimo qaarkood waxay dheheen haddii uu hadalkeeda ku gudan karo uuna u baahanayn gacantiisa way bannaantahay laakin haddii uu u baahdo inuu gacantiisa isticmaalo ma u bannaana waa adiga oo xaaskaaga telka kala hadlayo ka wada raaxaysanaysaan isla markaana aad siigeysanayso taasi kuuma banaana,  Culimada qaarkood waxay eegeen haddii qofka uu ka fogyahay oo ka baqayo inuu sino ku dhaco waa samayn karaa raaxada taleefanka xitaa haddii uu gacanta ku dhamaystirto maxaayeelay madaahibta islaamiga qaar baa qaba haddii qofka uu ka baqo sino inuu biyaha iska bixin karo waxaana laga wariyay imaam axmad, 

caalimka la oran jiray ibn xazm isaga siigada wuu banneyeyba wuxuu daliilsaday وقد فصل لكم ما حرم عليكم (Alle waa idin faahfaahiyey waxa uu idinka xarrimay) 

su’aashan waxaa la weydiiyay Sheekh ibn cuthaymiin wuxuu ku jawaabay waa banaantahay qofka inuu ugu raaxeeyoo xaaskiisa taleefanka laakin inuu gacantiisa adeegsado ma u bannaana haddii uu sino ka baqo mooyee. marka waxaan kaloon ku dari lahaa qofka la sheekaysanayo xaaskiisa waa inuu iska jiraa taleefanka maxaayeelay waxaa laga yaabaa ina la idin dhegeytso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *