Uncategorized

Madaxweynaha Kenya oo sheegay inuu ka xun yahay weerarka lagu dilay 20 askari oo ka dhacay gudaha Kenya

iftineducation.com – Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay inuu ka xumaaday weerarka khasaaraha badan geystay, ee Uurka Al Shabaab habeenimadii xalay ahayd ka geysteen deegaanka Yumbis ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.




Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 25 askari oo Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya ka tirsan, tiro kalana ay ku dhaawaceen.




Madaxweynaha Kenya oo weerarkaasi ku sheegay mid argagaxisado, ayaa qoraal ku muujiyay sida uu kaga xun yahay, isla-markaana ay Dowladdu qaadi doonto weeraro ka dhan ah Shabaabka.




Madaxweynaha Kenya wuxuu tacsi uu u diray qoysaska iyo asxaabta ay ka baxeen askarta faraha badan, ee lagu laayay weerarka ka dhacay deegaanka Yumbis.




Ilaa iyo hadda lama garanaayo wax khasaaro ah oo Shabaabka ka soo gaaray weerarkaasi. Shabaabku waxay dhankoodu sheegteen in weerarkaasi uu u dhacay, sidii loogu talla galay.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *