Uncategorized

Turkiga oo diyaarad qaas ah u soo diray wefidega soomaaliland uga qeyb galaaya wadahadalka

iftineducation.com – Weji kale oo ka mid ah Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa 1-da bisha Saddexaad ee sanadkan ka furmaya Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida uu xaqiijiyey Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis.


Weftiga dawladda Somaliland uga qayb-galaya wada hadallada Soomaaliya ayaa Jimcaha maanta ah madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ay ka qaadeysaa diyaarad khaas ah oo dawladda Turkigu u soo dirtay, taasi oo geyn doonta Magaalada Jabuuti oo ay Sabtida ka sii dhoofayaan.