Uncategorized

Wefdiga Urur Goboleedka Igad oo intoodu badan ka degay Garoonka Magaalada Muqdisho

iftineducation.com – Wefdiga dalalka Urur Goboleedka Igad, ayaa waxay galabta intoodu badan ay ka soo deggeen Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.




Wefdiga, ayaa si qurux badan leh loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, oo ay ku sugan yihiin Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.




Wefdiga, ayaa waxaa la geeyay hawlka martida lagu soo dhaweeyo, iyadoo daqiiqadaha soo socdo lagu wado inay halkaasi ku qabtaan shir jaraa’id, oo ay kaga hadlayaan socdaalkooda Somaliya.




Bahda Saxaafadda oo looga yeeray Garoonka Aadan Cadde, ayaa buuxiyay goobta loogu talla galay, si ay u soo tebiyaan macluumaadka ku aadan socdaalka wefdigu.




Wefdigaan, ayaa waxaa caawa munaasabad ballaaran loogu qaban doonaa Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo ay ka soo qaybgeli doonaan fanaaniinta iyo majaajiliistayaasha degan Magaalada Muqdisho.




Maalinta Sabtida, ayaa waxaa lagu wadaa in xubnaaan ay ku kulmaan Hotelka S.Y.L, oo kaabiga ku haaya Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.




Sidoo kale warar aan la xaqiijin, ayaa waxay sheegayaan in wefdigaa la dejin doono S.Y.L Hotel, mudada ay booqashada ku jooggaan Magaalada Muqdisho.




Ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, boqolaal askari ayaa wadooyinka ugu muhiimsan la soo dhoobay.