Uncategorized

Weerar maanta lagu qaaday Wargeyska Hamburger Morgenpost ee dalka Jarmalka, markii uu daabacay kartoon lagu aflagadeynaayo Nabi Muxamed (NNKH)

iftineducation.com – Weerar aan khasaaro buuran geysan, ayaa waxaa maanta lagu qaaday Wargeyska Hamburger Morgenpost ee dalka Jarmalka, ka dib markii uu daabacay kartoon lagu aflagaadeynaayo Nabi Muxamed (NNKH).




Wargeyskaan, ayaa sawir gacmeydka waxa uu ka soo xigtay Wargeyskii Charlie Hebdo ee dalka Faransiiska, oo horey u soo daabacay sawir gacmeydkaasi.




Weerarka lagu qaaday Xarunta Wargeyska Hamburger Morgenpost, ayaa waxaa loo adeegsaday walxo laga soo buuxiyay shidaal, dabna uu ka holkacaayo.




Lama sheegin cid wax ku noqotay dabkaasi, marka laga soo taggo dabka oo geystay gubasho ka dhan ah Xarunta Hamburger Morgenpost.




Booliska Jarmalka waxa uu xaqiijiyay in dhacdadaasi loo soo xiray laba nin oo ka ag-dhawaa goobtii la weeraray, isla-markaana ay baaritaano ku socdaan.




Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi.