Uncategorized

Weerar ka dhacay Xaduuda ay wadaagaan wadamada Sucuudiga iyo Ciraaq

iftineducation.com – Ugu yaraan labo askari oo kamid ah illaalada xaduuda Sucuudiga ayaa ku dhintey weerar ismiidaamin ah oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen shalay xaduuda labada dal u dhaxeysa.






Laba nin oo hubaysan ayaa hub ku furay ilaalada saacada markay ahayd 0430, meel u dhow Judayyidat Arar ee gobolka waqooyiga xudduuda.






Qof ka mid ah dadkaweerarka soo qaaday ayaa waxaa dilay ilaalada, laakiin qofkii kale ayaa isqarxiyay.
Tan iyo bishii June ayey dowlada Sucuudiga waday dhaq dhaqaaq ay ku adkeenayso xuduuda ay la wadaagto dalka Ciraaq, kadib markii ay kooxda ISIS la wareegtay dhul balaaran oo kamid ah wadamada Ciraaq iyo Siiriya.


Horey umaysan dhici jirin weeraro noocaan ah oo ka dhaca xaduuda u dhaxeysa Sucuudiga iyo Ciraaq, balse horey ayey weeraro noocaan ah uga dhaceen xadka u dhaxeeya Yemen iyo Sucuudiga.