Uncategorized

Weerar ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay Magaalada Istanbul, markii haweeney isku qarxisay Saldhig Boolis (Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Haweeney xirneyd jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa, ayaa fiidnimadii caawa isku qarxisay Saldhig Boolis, oo ku yaala magaalada taariikhiga ah ee Istanbul ee Xaruntii hore ee dalka Turkiga.




Saldhga la weeraray, ayaa ku yaala Bartamaha Magaalada Istanbul, gaar ahaan wuxuu ku dhow yahay Masaajidka caanka ah ee Blue Mosque.




Ciidan fara badan oo ka tirsan laamaha ammaanka, ayaa xiray wadooyinka ku dhow dhow Saldhiga la weeraray, waxaana halkaasi loo diiday inay ka soo ag-dhawaadaan dadka caadiga ah.




Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in weerarkaasi la ogyahay in hal ruux oo kaliya uu ku dhintay, iyadoona lagu sheegay haweeneydii isa soo miidaamisay.




Ma jirto cid durbaba sheegatay masuuliyada weerarkaasi ismiidaaminta ah, oo si weyn ay wax kaga qoreyso Warbaahinta dunida.