Uncategorized

Wasiirada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Brussels, kagana hadlay weerarkii Paris

iftineducation.com – Waxaa maanta Magaalada Brussels ee Xarunta Wadanka Belgium-ka kulan ballaaran ku yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Midowga Yurub.




Kulankaan waxaa diirada lagu saaray weerarkii 7-dii bishaan lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo, laguna dilay ugu yaraan sideed ka mid ah Suxufiyiintii ka hawlgaleysay.




Wasiirada, ayaa waxay isku raaceen in dagaal lala dagaalo Islaamiyiinta xagjirka ah, iyadoo iskaashi heer caalami ah lala yeelanaayo dalalka dunida Islaamka.




Midowga Yurub waxay qireen in Muslimiinta ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada kala kulmaaya qolyaha xagjirka ah, sidaasi daraadeedna aan la huri doonin in iskaashi lagala yeesho.




Sidoo kale waxay soo hadalqaadeen falcelintii laga bixin lahaa weerarka Magaalada Paris iyo xiriirka ay la yeelanayaan Dowladda Ruushka, oo marar badan ay ku eedeeyeen inay dhabarka ka riixeyso xoogaga Dowladda Ukraine kula dagaalamaaya bariga dalkaasi.




Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Wasaaradda Cadaaladda Belgium-ka ay sheegtay in dalkeeda ay ka heshay koox jihaad doon ah, isla-markaana baadi-goob loogu jiro xubnaha ka tirsan kooxdaasi.