Uncategorized

Wasaafada Warbaahinta Dalka Kenya oo sheegay Iney Xirayso Wargeyska the STAR!!!

iftineducation.com – Gollaha Sare ee Warbaahinta Dalka Kenya ayaa ku hanjabay manta iney albaabada isugu laamabayaan Wargeyska the Star oo kamid ah kuwa ugu afka dheer ee kazoo baxa dalkaas.


War-saxaafadeed kazoo baxay maanta Gollahaas oo loo soo gaabito Media Council of Kenya (MCK) ayaa lagu sheegay iney dib u fiirin ku sameyn doonaan kala noqoshada Siinta waraaqaha Ogolaanshaha Suxufiyiinta iyo Ogsoonaanta nidaamka Shirkadaha Warbaahinta.

Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa Iyo Warbixinta dadweynaha ee gollahaas Grace Munjuri  war-saxaafadeed ay ku saxiixnayd ayaa kagu sheegay in Wargeyska uusan cadeyn sawiro iyo warbixino ,isagoona xigashada halka uu ka keeno.

Gollaha Warbaahinta dalka Kenya ayaa u yeeray Maamulka sare ee Radio Afrika Goroup oo u hoostago Wargeyska the Star si ay u sharaxaan dhaqan xumida Suxufiyiinta ka shaqeeya Wargeyskooda.


Agaasimaha Maareynta Wargeyska the Star William Pike ayaa isna sheegay mar uu warbaahinta la hadlay in wargeyskoodu ku shaqeeyo hannaan wanaagsan.

Gollaha sare ee warbaahinta dalka Kenya MCK ayaa bixiya aqoonsiga warbaahinta iyo Weriyaasha ka shaqeynaya dalka Kenya,waxaana kala noqoshada aqoonsiga Golluhu u dhigmaa xiritaanka Hay’adaas.