Uncategorized

Wargays gaf geestay Oo calaacalka ka dhamaadey Raali galina siiyay Muslimiinta

iftineducation.com – Mas’uuliytiinta wargayska The Star oo ka mid ah wargaysyada ugu afka dheer wadanka Kenya ayaa raali galin ka bixiyay sawir aflagaado ku ah Nabigeena Mux’ed NNKH oo uu daabacay Arbacadii kaasoo uu ka qaatay wargayska Charlie Hebdo ee Faransiiska kasoo baxa.
Maamulka Wargaysku waxaa ay sheegeen inay garawsadeen in sawirkaas oo lagu daabacay cadadkoodii Arbacada inay meel ka dhac ku tahay dadka Muslimiinta Kenya ku nool isla markaana ay raali galin “Wargaysku waxaa uu si buuxda raali galin uga bixinayaa sawirkii uu dib u qaatay ee looga gafay Nabi Mux’ed NNKH maadaama ay si weyn uga caroodeen Muslimiinta dunnida iyo kuwa Kenyaba”.
“Mas’uuliyiinya wargaysku aad bay uga qawmamaynayaan sawirkaas iyo daabacaadiisa” ayaa sidoo kale lagu yiri warka raali galinta ah ee isla wargayska lagu qoray.
Dadka falanqeeya arrimaha amaanka geeska Africa ayaa aaminsan in wargayskaan The Star ee Kenya kasoo baxa ay arrintaan ku qasabtay cabsi kaga timid Muslimiinta Kenya iyo weerar kaga yimaada dhaq dhaqaaqa Al-Shabab.
Muslimiinta dunnida ayaa si weyn uga carooday sawiro aflagaado ah oo uu sameeyay wargeyskii xaruntiisa la weeraray ee dalka Faransiiska ku yaala.