Uncategorized

War deg deg ah Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed oo Iscasilay.

iftineducation.com – Sida uu inoo Xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Siyaad Shiikh Daahir waxaa uu iska Casilay Xilkii ahaa Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Afhayeenka Maamulka Koon fur Galbeed Siyaad Shiikh Daahir ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay Sababta uu Xilkaani iskaga Casilay Daruufo jira awgeed kuwaasi oo uu gartay in uu Xilka Iskaga Dego sida uu yiri.


Siyaad shiikh Daahir ayaa waxaa  uu sidoo kale sheegay in uu yahay Nin Mudo ku Howlanaa dhisida Maamulkaaani Konfur galbeed Soomaaliya kaasi oo uu isku soo sharaxay Balse uu u Tanasulay Shariif Xasan shiikh Aadan,


“Haa waa Jiraa Warkaasi Waan iska Casilay Xilka Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Aan Mudada Hayay Sababta aan isku Casilay waxaa ay tahay in ay Jirto Daruufo Badan sidaasi Awgeedna aan Gartay in aan Booskaani Baneeyo””Sidaasi waxaa Yiri Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ee is Casilay siyaad Shiikh Daahir.




Siyaad shiikh Daahir ayaa waxaa uu mudo ahaa Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed waxuuna Qeyb ka Ahaa Dadkii soo dhisay Lamana oga sababta Rasmiga ah ee uu isku Casilay.