Uncategorized

Video: Haweeney Malaayiin qof ka yaabsatay oo Youtube lasoo dhigay

iftineducation.com Haweeney gaari wadatay oo soo gashay meel shidaalka lagaga shubto ayaa mucjiso ku dhigtay inay garan weyday meel looga shubo shidaalka, kuna wareertay meeshii tubasha shidaalka laga gelin lahaa gaariga.

Muuqaal ay duubtay Kaamirada amaanka ee ku taal xarunta shidaalka magaalada Leicester ayaa afar maalin gudahood waxaa daawaday muuqaal la soo geliyay Youtube-ka in ku dhow Toban Milyan oo qof.

Sidoo kale waxaa muuqaalka laga dheehan karaa qosolka kooxaha amaanka ee la socda dhaqdhaqaaqa goobta shidaalka oo ku qaraaxeysanaya jahawareerka haweeyneydan.