Uncategorized

Topnews:-Liiska Golaha Wasiiradda cusub -qabiiladooda iyo xilalka

iftineducation.com – Golaha Wasiiradda Cusub ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo saacad kadib waxeeyna kala yihiin:-
Wasiiradda Beesha Hawiye ?
1-Cabdi Kariim Xuseen Guled -Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka  ,Habargidir ,Hawiye,Wuxuu ka mid yahay sedexda qof ee ugu sareeysa Damujadiid,waana nin horey ugu fashilmay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo tan Amniga .
Cabdi Kariim Guuleed oo loo yaqaan Dhegajuun wuxuu Waardiye ka ahaan jiray Machad-kii Simad ee Faarax Cabduqadir iyo Xasan Garguurte,waana shaqsi aan moowqif laheyn balse aan marnaba qiyaamin Saaxiibadiisa Damujadiid.
Cabdi Kariim Dhegajuun wuxuu xilka Wasiirka Amniga iska casilay isagoo indhahiisa ilin ku taagan tahay laakiin dhamaan dadka la magacaabay marka la qiimeeyo waxeey ceebalahiisa noqonayaan kuwa aan laga nixin ,
2-Abdullahi Sanbaloolshe Wasiirka Amniga,Xawaadle Hawiye,,waa nin maskixiyan waalan oo Dowladda Ingiriiska dalkeeda ka erisay kadib markii Safiir loo magacaabay -wuxuu horey ugu fashilmay Hay’ada Nabadsugida.wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka xabashida u basaasa dalkeena ama ka shaqeeya sideey u qabsan lahaayeen.
Sanbaloolshe maaha qof maskixiyan fiyoow,wuxuuna si xun u caayaa dadka ,isagoo iskaga hadaaqa wax walba oo afkiisa qabto laakiin waxaa xusid mudan inaan golaha Wasiiradda lagu soo derin Geesiga shaqo wanaaga loogu doowgalay ee Cabdullahi Goodax Barre.
3-Mohamed Mukhtaar Wasiirka Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka badda, Gaaljecel Hawiye,wuxuu ka mid yahay Kaadiriinta Damujadiid.
4-Nadiifo Mohamed Osman Wasiirka Hoowlaha guud iyo dib u dhiska,Gugundhabe ,Hawiye,waxeey ka mid tahay Kaadiriinta Damujadiid.
5-Mustaf Dhuxulow Wasiirka Warfaafinta,Hiddaha iyo Dalxiiska Murusade,Hawiye.wuxuu kursiga ku helay ololahiisa Mucaaradka laakiin Damujadiid waxeey qorsheeynayaan iney xilka qaadis ku sameeyaan marka Xukumadda la ansixiyo kadib.
6-Faarax Cabduqadir Wasiirka Cadaaladda ,Reer Aw Xasan,Sheekhaal Hawiye,waa ninka ugu awooda badan Urur diimeedka Damujadiid,waana ninkii riday labadii Ra’isulwasaare ee Xukumadda soo qabtay,waxeey magacaabistiisa aad uga nixisay shacabka Soomaaliyeed maadama uu astaan u noqday qaran dumin iyo gumeeysi u shaqeeyn.
7-Xasan Maxamed Jimcaale,Wasiiru doowlaha Dastuurka,Duduble Hawiye,
8- Cabdiraxman Cabdi Cismaan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ,Ajuuraan,Hawiye,waxaa ninkaan lagu bedelay Boos uu ku qornaa Cabdi Axmed Baafo.ninkaan wuxuu mudo dalka Norway ugu xirnaa inuu ka tirsan argagixisada Al-Shabaab,wuxuuna ka mid yahay xagjiriinta mudada dheer ka dhex dagaalameysay Baarlamaanka Somalia,dadka qaar waxeey sheegaan inuu si hoose ula shaqeeyo Al-Shabaab halka dad kale rumeeysan yihiin inuu ku biiray Damujadiid.
Wasiir Cabdiraxman Cabdi wuxuu ku dhashay Qalaafe,wuxuu leeyahay neenaaso badan sida Cabdiraxman Gareen,Cabdiraxman Tunkulush,wuxuuna Xaaskiisa dejiyay dalka Masar.
Gareen waa jufo hoosaadka uu ka dhashay oo ah Boqortooyadda Beesha Ajuuraan.
Dadka qaar waxeey leeyihiin Cabdiraxman Tunkulush waa suurtagal inuu yahay dhabal ajansi oo xitaa Sirdoonka Norway la shaqeeyo maadama uu mudo dheer u xirnaa argagixiso inuu yahay.
Wasiiradda Beesha Dir ?
1- Cabdalla Boss Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta – Isaaq Habaryoonis
2-Abdirahman Beeyle Wasiirka Arrimaha dibadda iyo ,Gadabuursi ,Dir. ninkaani waxeey dad badan u yaqaaniin Wadani laakiin wuxuu noqday qofka ugu musuqmaasuqa badan Dowladda Somalia ,wuxuuna gurigii ugu dambeeyay ka dhisanayaan Xaafadda Jigjiga Yar ee Magaaladda Hargeysa.
3- Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Korontada iyo Biyaha , Habarjeclo Isaaq.
4-Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka , Biyomaal,Dir,ninkaani wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka mudada dheer Amxaaradda u qaabilsanaa isku dirka iyo burburinta Qaranka Somalia,waana shaqsi qamriga habeen iyo maalin caba,oo saqraana afar iyo labaatanka saac.
5- Maxamed Cumar Carte Qaalib, Ra’isulwasaare ku xigeen,Habar Awal,sacad Muuse,Isaaq.ninkaan waxaa dhalay Ra’isulwasaarahii Somalia Cumar Carte Qaalib,wuxuuna la saaxiib yahay Ra’isulwasaare Cumar Xalweyste.
6-Ducaale Adan Cisman Wasiirka Sports-ka iyo dhalinyarada ,Dir,waxaa ninkaan daqiiqadahii ugu dambeeyay lagu bedelay Booska Cabduqadir Badaadi.
Wasiiradda Beesha Daarood ?
1-Daud Bisle,Wasiirka Macdanta iyo Batroolka,Dhulbahante ,Daarood,Waa Damujadiid horey uga tirsanaan jiray Wasiiradda Puntland.
2-Cabduqadir Gaabane -Wasiirka Dastuurka – Leelkase Daarood.wuxuu ninkaan rajo ka qabay in loo magacaabo Ra’isulwasaare,wuxuu heysta dhalashada Canada.
3-Xuseen Cabdi Xalane,Wasiirka Maaliyadda ,Ogaadeen,Daarood,waa nin ku xiran Amxaarada oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka u bahdilan gumeeysiga Ethiopia.
4-Maxamud Cali Magan,Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga,Mareexaan,Daarood,waa reer Ugaas Sharmarke,waxeey isku dhaw yihiin Ra’isulwasaarahii hore,
5-Abdullahi Ahmed Jamac Ilka Jiir,Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta – Warsengeli Daarood.wuxuu horey u soo ahaay Wasiir ka tirsan Puntland,waxaana la gelshay Booskii Saciid Qoorsheel oo todobadii Xildhibaan ee beeshiisa lix ka mida diideen.
6- Saciid Xuseen Ciid,Wasiirka Caafimaadka,,Daarood,
6-Mohamud Xayir Ibrahim,Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda, Majeerteen ,Daarood.
Wasiiradda Beesha Digil iyo Mirifle ?
1-Mohamed Sheekh Xasan Xaamud ,Wasiirka Gaashaandhiga ,Raxanweyn
2-Yusuf Macalin Amiin Baadiyow,Wasiirka Dekaddaha ,Leesaan,Raxanweyn.
3-Hussein Mohamed Sheekh Badni,Wasiirka Beeraha ,Raxanweyn
4-Abukar Mardaadi,Wasiirka Xanaanada xoolaha,dhirta iyo daaqa, Garre Digil,waa Madaxweynahii Shabelle State,waxaana xilka loogu magacaabay inuu ka tanaasulo Madaxweynenimadiisa Shabelle .
5- Axmadeey Sheekh Mukhtaar -Wasiirka Diinta iyo Aawqaafta,Raxanweyn,waxaa dhalay Gudoomiyahii Baarlamaanka Somalia,waana aqoonyahan karti badan oo deganaa dalka Ingiriiska.
Wasiiradda beesha Shanaad.
1-Khadijo Mohamed Diiriye ,Wasiirka Haweenka iyo qoyska, Madhibaan,waxay ku jirtay kudlada Mucaaradka laakiin markii xilkeedii loo ballanqaaday ayey qaab dadnimo xumo ka muuqata uga baxday kudlada iyadoo caaysay Xildhibaanadeey isku qadiyada ahaayeen.
2-Muxudiin Kaalmooy Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha,Jareerweyne.
3-Burci Maxamed Xamza Wasiiru doowlaha Xafiiska Ra’isulwasaaraha,Shaanshi,
Warbaahinta Waagacusub waxeey ku faraxsan tahay iney noqotay Warbaahintii ugu horeeysay ee si rasmiya u faafisay Liiska golaha Wasiiradda cusub iyo qabiiladooda intaan la magacaabin ka hor.
Damujadiid liiska ay qorteen waxeey mudada dheer u heysteen iney bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka qaldaan si ay iskaga dhigaan kuwa ku mashquulsan la tashiyo hasse yeeshee ugu dambeyn waxaa golaha Wasiiradda loo magacaabay sideey u qorteen.
Ugu dambeyn waxaan leenahay Hambalyo Golaha Wasiiradda uu Madaxweyne Garguurte soo magacaabay maxaa yeelay lama dhihi karo Gole Ra’isulwasaare,dhinaca kalena waxaan tacsi u dirayaa Asxaabtii Damujadiid u sheegeen beenta ee Wasiiro sugayaasha ahaa.
Hees uu sameeyay Abwaan Cabdinasir Cabduqadir Cabdullahi oo aan laxanka saaray waxeey leedahay.
Diin nooma hayaan 
Dalna nooma dhisayaan
Danta guud ma eegaan 
Duni lama shaqeeyaane 
Diida dulmi jadiidka
 Diida damujadiidka diida 
———————
Doraad kuwaan la dirirniyo 
Dad qalatadii ma doorshaan 
Waa laba danaystoo 
Midba door inoo yimide
Diida dulmi jadiidka
 Diida damujadiidka diida 
—————————————
Dibnaha waxay ka sheegaan 
Dalqadooda ma gaarsana 
Sida dooga geedaha 
Diirta oga idlaysay 
Dalkeenii u cunayane 
Diida dulmi jadiidka
 Diida damujadiidka diida 
—————
Dubka waa adookale 
Hadalkuna ka siidaran  
Qalbiga doonistiyo 
Damaciyo u jeedkuna 
waa  duul cadawiyo 
Danahii Ethopia 
Diida dulmi jadiidka
 Diida damujadiidka diida 
By Dahir Alasow
Magacyada Wasiirrada
1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen

2. Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda

3. Axmadey Sh. Mukhtaar Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
4. Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
5. Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda
6. Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga
7. Cabdirixman Ducaale Bayle Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
8. Cabdullahi Maxamed Cali Wasaaradda Amniga Gudaha
9. Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada
10. Yusuf Macalin Amiin Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
11. Maxamud Cali Magan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
12. Cabdiqadir Cabdi Xashi “Gaabane” Wasaaradda Arimaha Dastuurka
13. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
14. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
15. Cabdullahi Sh. Ismaacil Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
16. Maxamed Cumar Caymooy Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
17. Cabdalla Boos Axmed Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
18. Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” Wasaaradda Beeraha
19. Ducaale Aden Maxamed Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
20. Cabdiraxman Cabdi Cusmaan Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
21. Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
22. Khadiija Maxamed Diriye Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
23. Maxamed Mukhtar Ibrahim Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
24. Daauud Maxamed Cumar Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
25. Abuukar Cabdi Cusman “Mardadi” Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
26. Saciid Xuseen Ciid Wasaaradda Caafimaadka


Magacyada Wasiiru Dawlayaasha
1. Cabdullahi Yusuf Alankey Wasaaradda Amniga Gudaha

2. Maxamuud Hayir Ibrahim Madaxtooyada

3. Khalid Cali Cumar Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
4. Maxamed Adan “Fargeti” Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
5. Maxamed Cali Xagaa Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Cabdullahi Maxamed Nuur Wasaaradda Maaliyadda
7. Xasan Maxamed Jimcaale Wasaaradda Arimaha Dastuurka
8. Burci Maxamed Xamza Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda
9. Caadil Sheegow Sagaar Xiriirka Baarlamaanka


Magacyada Wasiir Ku-xigeenada
1. Cabdullahi Bile Nur Wasaaradda Caddaaladda

2. Cabdiraxman Kulmiye Xirsi Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

3. Saacid Xaji Maxamuud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
4. Fahma Axmed Nur Wasaaradda Maaliyadda
5. Cabdalla Xuseen Cali Wasaaradda Gaashaandhigga
6. Mahad Maxamed Salad Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
7. Ibrahim Yarow Isaq Wasaaradda Amniga Gudaha
8. Xaamud Cali Xasan Wasaaradda Waxbarashada
9. Yusuf Xayle Jimcaale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
10. Sharif Maxamed Xasan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
11. Xaji Cali Sh. Maxamed Nur Wasaaradda Arimaha Dastuurka
12. Maxamed Kheyrow Maxamed Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
13. Cabdullahi Colaad Rooble Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
14. Xirsi Adan Rooble Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
15. Maxamed Cumar Geedi Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
16. Cabdishakur Cali Mire Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
17. Cabdirashid Maxamed Xiddig Wasaaradda Beeraha
18. Jamaal Xasan Ismaacil Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
19. Sacdiya Careys Ciise Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
20. Cusman Libaax Ibrahim Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
21. Mumina Sh. Cumar Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
22. Saciid Jamac Maxamed Qaalib Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
23. Maxamed Axmed Abtidoon Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
24. Cabdikarin Cige Guuleed Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
25. Dr. Cusman Maxamud Dufle Wasaaradda Caafimaadka