Uncategorized

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Igad oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Muqdisho kaga furmay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka Igad, ka dib sanadkii 1985-kii, oo ugu dambeysay in lagu qabto Somaliya.




Shirka waxaa ka qaybgalaaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Igad, Madaxda Dowladda, tiro ka mid ah Wasiirada xilalka weli haaya, Qaramada Midoobe, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo xubno kale, oo shirkaasi lagu soo casuumay.




Shirka, ayaa waxa uu ka soconayaa Hotel S.Y.L oo ku yaala agagaaraha Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia), waana xalay halka ay ku hoydeen Wasiirada Igad.




Dowladda Somaliya waxay xaqiijisay in shirkaasi diiradda lagu saari doono waxyaabaha u qabsoomay Dowladda Somaliya iyo waxa kale, ee aan weli u qabsoomin.